Xoghayaha arrimah bulshada ee Xisbiga mucaaradka ah ee UCID C/raxmaan Axmed Cali ayaa eedaymo kala duwan u soo jeediyey Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI,isagoo ku eedeeyey in ay doonayaan doorashadu wakhatigeedii ay ku dhacdo “Xisbiyad WADDANI iyo KULMIYE shirarkii u demabeeyey ee ay qabsanayeen ay lahayeen doorahadu dib u dhici mayso , aan kala sooro labadaa Xisbi Xisbi walib wax ayuu isleeyahay,

Xoghayaha C/raxmaan Axmed Cali ayaa ugu horayn Xisbiga KULMIYE eedaymo culus dusha u saaray waxaanu haddalkiisa ku bilaa sidan”KULMIYE go’aankiisa rasmig ah ee aanu ognahay waxa weeye ee uu leeyahay doorashada ha la qabto iyadoo duruuftaa lagu jiro, wuxuu isku qanciyay Xisbiga KULMIYE in uu ku soo baxidoona deegaanad galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa oo uu is yidhi cidi kama guurin, dadka ay abaaruhu ku dhaceen ee soo barakacay dadkii maaha oo ay cadahay inuu dadka gobolada Bari ee berbera wixii xagaa bari ka xigana aany dan ka lahayn, marka ay leeyihiin isbahaysi ayaan nahay iyo markay ay iska ilamaysinayaanba aan odhankaron waa ilmadii yaxaaska, lakiin si cad wuxuu KULMIYE isku tusay in aanu u baahnayn gobolda bariga dalka ee uu Hargeysa,galbeedkeeda iyo woqooyigeeda ay dadkiisu degan yihiin,halkaan waxaan leeyahay oo aan u cadaynayaa dadkii la beer-laxawsanayey in aan dan laga lahayn oo KULMIYE ka lahayn

Ugu dambayntii Xoghayaha arrimaha bulshada ee Xisbiga UCID C/raxmaan Axmed Cali ayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI eedaymo u soo jeediyey “WADDANI isaga ujeedadiisu taa wey ka duwantahay waa la odhan karaa wuu arkayaa in aanay daini ugu jirin maanta dadka maqan, lakiin isagu waa ku jiqsii , WADDANI waxa inta badan Miisaan ku leh raggii KULMIYE ka cadhooday ee hadafkooda cadi yahay in ay Muuse iyo KULMIYE uun la dagaalamaan,markaa arrintoodii iyaga waxay noqotay qoladii marka dadka qarxiyaan la odhan jiray waa qofkaa aad qarxinaysa la garaye , dadka la dhimanaya maxaad ugu tallogasheen odhan jiray calafkooda ayaa lala soo saarayaa”Ayuu ku soo afmeeray haddalkiisa