Turkiga Oo Hargeysa U Soo Diray Wefti Uu Hoggaaminayo Safiirka Muqdisho Ee Dhawaan Sheegay In Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Yihiin Midnimo Soo Celin

0
966
Somaliland: Madaxweyne Silaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Dalka dib ugu Soo laabtay
Somaliland: Madaxweyne Silaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Dalka dib ugu Soo laabtay

Dawladda Turkiga ayaa shalay magaalada Hargeysa u soo dirtay wefti ka kooban afar xubnood, kuwaas oo uu hoggaaminayo safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Muqdisho danjire Olgan Bekar, waxaana weftiga ka mid ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Turkiga xildhibaan Dr. C. Kani Torun oo isna hore u ahaa safiirka Turkiga ee Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay socdaalka diblomaasiyiintan Turkiga oo la sheegay inay xubno ganacsato ahi weheliyaan, laakiin warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in weftigani u socdaan laba ujeedo oo kala ah inay indha-indheeyaan madaarka Hargeysa oo ay doonayaan inay maalgashi ku sameeyaan iyo sidii ay dawladda Somaliland ugu qancin lahaayeen in la xidho dugsiga waxbarasho ee Nile Academy oo uu maalgaliyo siyaasiga lagu eedeeyay inqilaabkii fashilmay ee Turkiga ka dhacay Mr. Fethullah Gülen. Xukuumadda Somaliland ayaa hore u diiday inay xidho dugsigaas waxbarasho.

Sidoo kale diblomaasiyiintan oo maanta Madaxweyne Siilaanyo la filayo inay la kulmaan, ayaa doonaya inay gacan ka gaystaan gurmadka abaaraha, iyagoo shalay la kulmay guddiga abaaraha.

Safiirkan Turkiga ee weftiga hoggaaminaya danjire Olgan Bekar, ayaa dhawaan si cad u sheegay in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya uu Turkigu ka leeyahay ujeedo ah sidii ay u soo noqon lahayd midnimadii burburtay ee dhex martay Somaliland iyo Somaliya, waxaanay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland sheegtay inay warqad ashkato ah u dirtay dawladda Turkiga, taas oo aan ilaa hadda jawaab laga haynin.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la eegayaa bal jawiga uu ku qaabilo weftigan uu hoggaaminayo danjiraha Turkiga ee dhawaan sida cad u majaro habaabiyay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.