Cabsida Libaaxa Warancade Oo Xalay Kala Caraabisay Reer Hargeysa

0
1222

Mar qudha ayaa waxa xalay fiidkii suuqyada soo galay war sheegaya inuu baxsaday mid ka mid ah libaaxyada Cali Maxamed Warancade, oo ku xaraysan beer ku taala xaafadda New Hargeysa.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo arrintan uu ka soo saaray Cali Warancade, haddana wararkan ayaa sheegayay in libaaxu baxsaday xalay fiidkii. Laakiin ragga ilaaliya ayaa markii dambe ku  guulaystay inay soo qabtaan, iyagoo ku soo celiyay goobta uu ka baxsaday oo ay libaaxyo kale ku jiraan.

Wararka qaar ayaa sheegaya inaanu libaaxu dhaafin beerta, balse uu ka baxsaday shabaga, ka dibna markiiba la qabtay,  laakiin warar kalena waxay sheegayaan inuu beerta dhaafay oo banaankaga laga soo qabtay. Waxaana markii dambe shabagii uu ka baxay loo doonay farsama-yaqaano dib u dhis ku sameeyay halka uu jabsaday si aanu mar dambe uga bixin.

Cali Maxamed Warancade oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu arrintan wax uga weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Wararkan soo baxay ayaa cabsi ku abuuray dad badan oo reer Hargeysa ah, kuwaas oo markiiba ka caraabay suuqa si ay uga badbaadaan libaaxa la sheegayo inuu baxsaday.