Madaxweyne ku xigeenka Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha gudida abaaraha ayaa waxa uu ka jawaabey eedeymo uga yimid xisbiga mucaaridka ah ee Waddani .

Xisbiga Waddani ayaa waxaa ay madaxweyne ku xigeenka ku eedeyeen in isaga oo ah gudoomiyaha gudida abaaruhu in uu taakuleyntii abaaraha kaga mashquulay olale iyo xaflado gaar ah .

Muddane Saylici waxaa uu sheegay in aanu kaga mashquulin arimihii taakuleynta abaaraha olale siyaasadeed balse hawshii taakuleynta abaaruhu sideedii u socoto safarkii ay Borama ku tageena uu yahay mid hawlo shaqo ah isla markaana ay labada hawlood ba is bar bar socon doona .

Dhinca kale Cabdiraxmaan Saylici madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxaa uu isbarbar dhig ku sameeyey Kulmiyihii hore ee Madaxweyne Siilanyo Musharaxa madaxweyne ka ahaa iyo Kulmiyahan Danbe ee Muuse Biixi Musharaxa madaxweyne ka yahay waxaana uu xusay in Kulmiyahan danbe ka rajo fiican yahay Kulmiyihii hore