“Wixii Aad Tiin Beerato Iyo Wixii Aad Ubax Tallaashaba Taariikhdu Way Xusaysaa, Mas’uul Kastaana…”

0
1159
“Madaxweynaha I Cugtay Iyo Baarlamaanka Ii Codeeyeyba Waxa Ay Iga Fisheen Waan Ku Soo Celin Doonnaa”
“Madaxweynaha I Cugtay Iyo Baarlamaanka Ii Codeeyeyba Waxa Ay Iga Fisheen Waan Ku Soo Celin Doonnaa”

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaallaha Dawladda Oo Xilkii Labada Agaasime Ee Isbedelay  Hay’adda Shaqaalaha Dawladda U Kala Wareejiyey

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa si rasmi ah xilkii ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee xilka loo igmaday md Maxamuud Ismaaciil Cilmi  iyo Agaasimihii hore ee  la bedelay md  Xasan Aadan Geedi. Munaasibad  shalay ka qabsoontay Hoolka Shirarka ee  Hay’adda Shaqaalaha  dawladda Somaliland, ayaa  Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, waxa si rasmi ah uu xilkii ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee xilka loo igmaday md Maxamuud Ismaaciil Cilmi  iyo Agaasimihii hore ee xilka uu madaxweynuhu ka qaaday md  Xasan Aadan Geedi, waxaana halkaasi hadalo kala duwan oo soo dhaweyn iyo sabootin labada masuul ee isbedelay ku saabsan uga jeediyey masuuliyiinta iyo madaxda sare sare ee Hay’adda  Shaqaalaha dawladda  iyo Machadka CSI ee madasha ka qaybgalay. Agaasimaha Machadka Waxbarashadda Dawladda ee CSI Gueleed Saleebaan Axmed Maxamed Hago oo isaguna madasha kelmado soo dhaweyn iyo sii sabootin ku socota labada masuul ee xilka la kala wareegay wuxu yidhi “Agaasimaha cusub ee xilka loo igmaday Maxamuud Ismaaciil Cilmi Illaahay waxaan uga baryeynaa in uu u fududeeyo, waanan ogahay in uu nin ruugcadaaya yahay in badan  nidaamka maamulka iyo dawladnimadda ku soo dhex jiray, waxaanan isagana halkan uga mahadcelinaya agaasimihii hore ee Hay’adda shaqaalaha dawladda Xasan Jaamac oo runtii ah masuul hawlo badan si dadaal ka muuqdo ugu soo qabtay hay;addan masuulka uu ka ahaa”. Agaasimhimii hore ee shaqada laga bedelay ee Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland md  Xasan Aadan Geedi oo isaguna madasha kelmaddo kooban ka jeediyey wuxu yidhi “Arinta xilka qaadistayda waxaan leeyahay mudane Madaxweyne aad iyo aad waxaan ugu qanacsanay, xilka qaadista aad igu samaysay oo nin ka cadhoonayana ma ihi nin meelaha ka soo tuurtuurayana ma ihi, waxaan ku qanacsanahay, xilka adiga oo markii horena aad ii dhiibtay imikana aad iga qaaday xilkaasi ayaan kugu ayid sanahay kuguna hambalyeynayaa”. Md Xasan Aadan Geedi inta ku daray isaga oo amaan balaadhan huwiyey dedaalka iyo Kartidda guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda md Sharmarke Axamed Muxumed Geelle uu ku dhiiraday mudadii gaabneyd ee uu xilka hayey isla markaana madaxweynaha kula taliyey in uu garab ku siiyo dedaalkaasi  uu Sharmarke hay’addaasi ku horumarinaayo waxaanu yidhi “Mudane madaxweyne waxaad u soo magacawday Hay’adda shaqaalaha guddoomiye dhalinyaro ah oo xirfad, aqoon iyo Caqli iyo dhinac kastaba u saaxiib ah, waxay hay’adda shaqaaluhu rajo muujisay oo aanu isku soo taagnay oo ay dariiqii sharciga ahaa qaaday intii aad u soo magacawday guddoomiye Sharmarke Axmed Geelle, mudane Madaxweyne Somalidu dhaqan ayeynu leenahay oo marka xaqa iyo sharciga lagu toosiyo qardoofooyin ayey bilaabaan, qardoofooyinka shicib ama xukuumad midkay doonto ha noqoto ee ka ilaali oo isgarabtaag guddoomiyaha dada yar ee hay’adda shaqaalaha Somaliland mr Sharmarke oo caddaaladda isku garabtaag, oo xaqa isku garabtaag oo waxqabadka isku garabtaag  mudane madaxweyne”. Sido kale Agaasimaha cusub ee xilka loo igmaday md Maxamuud Ismaaciil Cilmi oo isagu hadal kooban madasha uu xilka kula wareegay ka jeediyey ayaa halka uga mahadnaqay madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo xilka uu u gartay uga mahadnaqay kuna balanqaaday in uu sida loogu aaminay xilkaasi qaranka ugu shaqayn doono.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ugu dambeyntii kelmadda qeexaya shaqo wanaaga iyo qof kasta maalinta uu mudan yahay in waxqabadka uu ka tegay lagu xasuusto laguna amaano ku saabsan ayuu madashaasi ka jeediyey waxaanu yidhi “Waa munaasibad kooban, waxaana si xarago leh halkan uga xog waramay guddoomiye ku xigeenka hay’adda Shaqaalaha, hay’addani  waxay qabato iyo waxa u qorsheysan, isla markaana agaasimihii hore ayaa si qiimo leh isna inooga waramay sooyaalkii shaqo iyo wixii u qabsoomay iyo wixii ka qabyo ahaa intii uu joogay hay’adda shaqaalaha, aduunyadu sidii ay u tahay geedi ayuu xilkuna uga sii gaaban yahay oo u yahay galab caraw, wakhti kooban ayaad joogaysaa oo tiin waxaad beertay iyo ubax waxaad talaashaba taariikhdu way xustaa, qof walbana qiimihiisa iyo duntiisuna waxay soo baxdaa dhamaadka noloshiisa, shay walba oo aad bilawdo inta aad badhtanka ku jirto kuma qiimeysnid, waxaadse ku qiimaysan tahay maanlinta aad ka baxdo xaaladaadu siday tahay, aduunyadduna qiimo ma leh ilaa qabriga nay la geliyo, qabriga ayaa nay la ogaan doona in aynu nolol wanaagsan oo fiican soo qabanay iyo in aynu nolol qariban soo qabanay qabirga ayey xisaabteedu taalaa, tuntiina Agaasimaheenii guud ee Xasan Aadan Geedi ka tegi taankiisa waxa maanta ee uu ku qiimaysan yahay waa tegitaanka uu maanta tegay mudadii uu xilka joogayna inta walaaltinimo iyo waxqabad aad qirteen ayuu ku joogay, agaasimaheena cusubna wada shaqeyn hufan iyo gacmo furan ayaanu ku soo dhaweynaynaa”