Xaallad Ka Taagan Mas’uuliyiin Lixdameeyo Maalmood Ku Jira Xabsiga Laascaannood Iyo Waxgarad Sheegay In Shaadh Dawladeed Loo Adeegsaday.

0
781

Shacbiga ku dhaqan magaalada Laascaannood Ee gobolka Sool ayaa dareen cabasho ah ka muujiyey xadhiga qaar kamid ah masuuliyiinta shirkad adeega korontada siisa magaalladaas oo muddooyinkii u dembeeyey jeelka Laascaanood ku xidhan.

Masuuliyiintan oo kala ah guddoomiyihii iyo maareeyihii shirkadda magaceeda loo soo gaabiyo LESCO ee tamarta korontada siisa magaallada Laascaannood Mr. AXmed Siciid Cilmi iyo Axmed Maxamed Cartan ayaa waxgarad kasoo jeeda gobolka Sool oo warbaahinta maxalliga ah la hadlay waxaa ay dareen taban ka bixiyeen xadhigooda oo ay ku doodeen in muddo ku dhaw laba bilood ay si aan sharci waafaqsanayn u xidhan yihiiin, kuwaas oo lagu eedeeyey in uu laydhkoodu khasaare nafeed geystay, arrintaas oo xaalad ka abuurtay magaaladda.

Masuuliyiinta shirkadda Laydhka ee LESCO, ayaa ku doodaya in ay sababtay khasaaraha nafeed ee ka dhashay laydhkani xadhiga ay jareen shirkadda cusub ee laydh gelinta samaynaysa laguna magacaabo Gurmad, waxaanay soo jeediyeen in baadhitaan lagu sameeyo cidda uu ku cadaado kiiskani ay qaadato masuuliyadda dhacdadaasi, balse waxa ay cabasho ka muujiyeen maamulka Shirkaddani in uu awood dawladeed u adeegsanayo ganacsadaha shirkadda cusub iska leh ee Maxamed Jabuutaawi.

Dhinaca kale qaar ka mida odayaasha iyo wax garadka gobalka oo arintaasi aanu wax ka weydiinay isla markaasina naga codsaday inaan magacyadooda la baahin ayaa waxaa ay ku sheegen in ay caddaalad darro ku xidhan yihiin masuuliyiinta shirkadda Lesco oo loo adeegsaday shaadh dawladeed caddaaladna aan looga garnaqin dhacdadaasi waxayna yidhaahdeen “Dad caddaalad loogu garnaqayaa ma jirto oo caddaalad lagu dhex dhexaadinayo ma jiro, sida laga war qabo nin ayuu laydh dilay markaa nimankii laydhka lahaa waxa ay soo gudbiyeen in uu laydhkooda gooyey nin kale oo hadda ku soo biiraya laydhka in la keeno waa la diiday in dacwadda laga aqbalo oo qoladii maamulku way diideen in ay ninkii meesha keenaan waxaana la odhan karaa illaa wasiirka arrimaha gudaha ayaa la qaba madama oo aanu u sheegnay waxna uu ka qaban waayay arrintaa ninkaas ganacsadaha ah”

Odayaashan oo hadalkooda sii wata ayaa waxa ay intaasi raaciyeen “Waxaana loo adeegsanayaa shaadh dawladeed shirkadda Lesco lamana rabo in si caddaalad ah loo dhex dhexaadiyo, markii aanu nidhi anagaa dhex dhexaadinaynana waa nalaga diiday, xukumada Somaliland waxaanu ugu baaqaynaa in hadii aan arintan wax laga qaban waxaa dhici karta in ay isku badasho arimo beeleed, amiga gobalkuna faraha ka baxo”

Masuuliyiin badan oo ay ka mid yahiin kuwo xiligii arintani dhacday xilal hayay oo aan xidhidh la sameynay iyo taliyaha qeybta hada haysta ayaa gabi ahaanba ka gaabsaday.

Sidoo kale waxaanu xidhiidh la samaynay Badhasaabka cusub ee Gobolka Sool Cabdikhayre Dirir oo horena u ahaan jiray Xoghayaha Fulinta Degmada Laascanood si aanu wax uga ogaano eedeymaha odayaashu ay sheegen waxaana uu si cad uga gaabsaday isna in uu arintani noo faahfahiyo

Taliye Ku Xigeenki Hore Ee Qeybta Gobalka Sool Aadan Mahad Maxamed oo dhacdadani xiligii ay dhacday ka hawlgalayay gobalka ayaa sheegay in qaar ka mida masuuliyiintu aanay dhex dhexaad ka mid ahayn taasina ay keenayso in uu sii dheerado isagoona xaqdaro ku tilmaamay masuuliyiintaasi xidhan “si xaqdaro ah ayay ragaasi u xidhanyahiin oo wax baadhisa oo masuuliyiinta gobalku ay ku sameyen ma jirto, Iyagaa masuul ka ah arintani waxaanu gacanta ku hayaa nimanka ay ka midka yahiin taliyaha xeer ilaliyaha intaasu ninkaasi gacan saar la leeyahay gacantaanu ku hayaa iyagaanu adeegsanayaa”ayuu yidhi Taliye Ku Xigeenki Hore Ee Qeybta Gobalka Sool.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud Cumar oo wax laga waydiiyey isna arrintan, ayaa faah faahin ka bixiyey sidii uu falkani u dhacay iyo sababta keentay in xadhiga masuuliyiinta shirkadani dheeraado, waxaanuu yidhi “Shirkad kale oo magaaladda dab siisaa ma jirtee shirkad kale oo shaqo wadaybaa jirta, nimankani markii maydka la aasay ka dib illaa labadii duhurnimo ayey arrintani timid oo ninna wuu ku dhaawacmaybaa la yidhi ninna wuu ku dhintay ciidanka Bileyska iyo Xeer-ilaalintuba way ka qayb galeen Aaskii maydka, waa la aasay maydkii oo shirkadda ayaa loo aasay iyo in uu Laydh dilay ninka, ka dib ayey warbaahinta la hadleen oo ay yidhaahdeen anagu beribaanu ka nahay oo shirkad kale ayaa waxan samaysay, waxa ay ku doodayaan in shirkadda kale jaray laydhkooda, laakin is iska cabin ah ayey uga horyimaaddeen arrinta iyo si been abuur ah taas ayaana xadhiga keentay, dacwadda in la dhaqaajiyo oo qofka dhintay meel la saaro ayaanu doonaynay iyagaana hor istaagay iyagaana dacwadda isku sii fogeeyey oo xeer-ilaalinta guud ayey geeyeen dacwadda haddii la guda galo in la dhegaysto weeyaan damiinna ma leh, qofkii in uu yidhaahdo qof kale oo shicib ah ayaa shaadh dawladeed ii adeegsanaya waa khalad meesha dawladbaa ka jirta, qareenkoodii oo reer Hargeyaa ahaa weli laascaanood kuma soo noqon iyagaanay sidani la wacnaatay, shirkadda kale ee ay ku eedaynayaan hay’adaha baadhsita ayaa u yeedhay oo baadhitaan ku sameeyey waxanay sheegeen in aanay natiijo dhalin arrintaasi ka dibna xafiiska xeer-ilaalintu ku qancay in aan maxkamadda la horgeynin shirkadda kale, dheeraynta waxa keenay dhoolatuska shirkadahan iyo cid qabta in awood dawladeed loo adeegsanayo ayaa keentay dheeraynta xadhigooda masuuliyiinta shirakdda Lesco”

Maaha markii u horeysay ee dhacdadani oo kale ay ka dhacdo hase ahaate waxaa inta badan soo af jara maxkamadaha iyo xukumada taasi oo hada lagu eedeynayo inay dhinac ka tahay dhacdadani, waxaana muddoyinki u danbeeyay ka taagna gobalka sool xaalad la xidhiidha xadhiga masuuliyintani.