Waa Maxay Waxbarashadu? W/Q: Baxsane xirsi yaasiin (Nation)

0
1508
????????????????????????????????????

Markasta oo la damco in la higsado hormar waxaa haboon in la isla qiro wadada kaliya ee lagu gaari karo horumarka loo hanuun in ay tahay waxbarashada oo kaliya, runtii faa’iidada ay waxbarashada u leedahay qofka bani aadamka ah ma ahan mid lagu soo koobi karo maqaal iyo wax la mid ah, sidoo kale waxaan si fududu sharixi karnaa waxa ugu wayn ee ay waxbarashadu keeni karto in ay tahay hormar dhinac maskaxda ah oo runtii waxa ugu qaalisan ee uu qofku heli karo. Dhamaan noocyada kale ee horumarka waxa sal iyo asaas u ah horumarka maskaxda, oo haddii la waayo ay aad u adkaan doonto in lagu riyoodo wax uun hormarka ah.

Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah, sidoo kale waxaan ognahay in dunida maanta ay u qaybsan tahay labo qayb oo wax kasta ku kala duwan, waana dunida hormartay iyo dunida danbaysa xaqiiqda dhabta ah ee dunida u kala qabisey sidaas ayaa ah waxbarashada.

Wadama aad ka looga qadariyo waxbarashada waxay gaareen hormar la taaban halka wadama aan laga danayn waxbarashada ay yihiin kuwa aad u danbeeya marka dhinac kasta laga eego.Si la mida sidaasi waxaa aad ku kala duwan dadka waxbarta iyo kuwa aan marna qiimeyn waxbarashada.

Arinta ugu wayn ee waxbarashada laga dhaxli karo ayaa ah sida aan sheegnay hormar dhinaca maskaxda ah oo ah furaha farxada nolosha, qofka wuxuu nolol sharaf ah oo farxada ay ku dheeman tahay heli karaa marka uu barto xirfad uu ku shaqaysan karo.
Sido kale dal wuxuu hormari oo kaliye marka ay jiran dadkii hormarin lahaa, dadkuna waxba ma ay qaban kartaan haddii aysan jirin aqoontii ay wax ku hormarin lahaayeen, aqoondaridu ama jahliga ayaa ah cadowga ugu wayn ee uu qof yeelan karo inta uu nool yahay, jahliga wuxuu qofka udiidaa markasta in uu ka fakaro waxa dantiisa ah. Sido kale aqoon la’aantu waxay dadka dhaxalsiisa in ay garan kari waayaan siyaabaha fudud ee loo noolaan karo.

Markasta oo uu jahliga bato waxaa aad u adkaada noolasha, sidoo kale waxyaabaha laga dhaxlo aqoon la’aanta waxa ugu daran in dhamaan dadku ay ku mashquulaan wax aan marnaba dan ugu jirin, sida in lagu xiiqo wax aan la fahamsaneyn.
W/Q: Baxsane xirsi yaasiin (Nation)

Email: jamaale1994@gmail.com