Shacabka Oo Saluugsan Aamusnaanta M/Siilaanyo Iyo Dalka Oo Waajahay Xaaladihii Ugu Cuslaa, Dhoofkii Xoolaha Ee La Joojiyay, Abaaraha Ba’an, Sixir Barar, Xanuuno Iyo Dib U Dhaca Doorashooyinka

0
937

Dareenka Shacabka Somaliland Ee Ku Aadan Madaxweyne Siilaanyo Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Aan Wali Ka Hadal Xaaladda Adag Ee Dalku Galay Iyo Liidnimada Golihiisa Xukuumadda Oo Xaalkoodu Dhaafi La’yahay Iska Dhaadhicinta Madaxtooyada & Xaaladda Qabyaaladeed Ee Dalka Oo Keenaysa Kala Fogaansho Shacabka Ah

Bulshada Somaliland ayaa u hanqal taagaysa Khudbadihii tolmoonaa ee Madaxweyne Siilaanyo lagu yaqiinay Wakhtigii uu u cararayay Kursiga uu hadda ku fadhiyo ee dalka laga hago iyo inuu Bulshada la qaybsado dareenka murugada leh ee uu dhaxalsiiyay wakhtiga adag ee uu Dalku waajahay, Sixir Bararka,Dhoofkii Xoolaha ee la joojiyay,Abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay,Shuba laga soo sheegayo Qaybo ka mid ah dalka iyo Dib dhaca doorashooyinka oo saamayn ku yeeshay Xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd Bulshada Caalamka.
Qaar ka mid ah Aqoonyahanada dalka ee aadka u ugu dareen dhaw bulshada oo Wargeyska Foore xalay la soo xidhiidhay ayaa shaaca ka qaaday inay Bulshada Somaliland tabayso Doorkii Madaxweyne Siilaanyo ku lahaa Duruufaha nololeed ee heer walba leh ee Bulshada u hanjabaya,ee mugdiga galiyay Hamigoodii iyo hiigsigoodii,kuwaasi oo ka taagan guud ahaan Dalka. Madaxweyne Siilaanyo ayaa wakhtigii uu mucaaridka ahaa aan looga badin jirin ka hadalka duruufaha hadba soo waajaha Bulshada kuwaasi oo uu kaga qayb qaadan jiray inuu Bulshada ku dhiirigaliyo inay u samirto oo ay Alle ka barido inuu ugu deeqo Dawlad wanaagsan oo Bulshadda ka naxda, isagoo wakhtigaasi bulshada tusi jiray In hadii uu kursiga fuulo uu wax badan la wadaagi doono,imikana ay u muuqato inaanu Madaxweynuhu waxba kala socon Duruufaha taagan ee wal walka ku haya Bulshada Somaliland.
Xoolaha Somaliland oo ah Laf Dhabarta Bulshada,Islamarkaana door wayn ku leh Dhaqaalaha Dalka ayaa gabi ahaanba laga joojiyay dalka Sacuudi carabiya oo ah Saylada ugu wayn ee Xoolaha loo dhoof gayn jiray. Waxa dalka ka taagan Abaar baahsan oo wada taabatay Gobolada dalka,waxaana jira Goobo badan oo laga soo sheegay inay dad macaluul ugu dhinteen,Waxa sidoo kale Saddex kacleeyay sixir bararkii awalba dalka ka taagnaa,Kaasi oo saamayn ku yeeshay dadka magaalooyinka iyo miyigaba ku nool,kaasi oo saamayn ku yeeshay Maciishada iyo Quutal daruuriga.Magaalo Xuduudeeda Wajaale ee Gobolka Gabiley ayaa waxa laga soo sheegayaa Shuban halkaasi ka dilaacay oo ay dhawr qof u dhinteen,kaasi sida la sheegay ka soo gudbay dhinaca Itoobiya,ilaa iyo haddana aanay Ka hadal Wasaaradii ay khusaysay ee Caafimaadka Somaliland.Waxa sidoo kale Albaabada inaga laabtay Beeshii caalamka iyo daneeyayaashii Somaliland kuwaasi oo saluug ka muujiyay Hufnaan la’aanta Maamulka Dalka haysta oo ay u arkaan mid aan cago ku taagnayn oo tahli waayay inuu Doorashooyin dalka ka hirgaliyo.
Waxa ay Bulshadu si deg deg ah u rabtaa inuu Madaxweynuhu Khayriyada soo istaago oo uu Bulshada la qaybsado duruufaha qalafsan ee dalku galay iyo inuu iftiimiyo dadaalada naf hureen ee ay Xukuumaddiisu ku waajahayso Duruufahan iyada oo xaaladda qabyaaladduna keeni karayso kala fogaanshaha shacabka.