Mid ka mid ah Beelaha Gobolka Awdal oo madal balaadhan kula Midoobay KULMIYE

0
1027
????????????????????????????????????

Beel-weynta Habar-carfaan oo ka mid ah beelaha Gobolka Awdal, ayaa shaaca ka qaaday inay si rasmi ah ugu biireen xisbal-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, taas lagaga dhawaaqay madal ilyartu is qabatay oo lagu qabtay huteelka SAW ee magaalada Boorama maanta.

Xafladdaas waxa goob-joog ka ahaa oo hoggaanka dhaqanka ee beeshu ku martiqaaday masuuliyiinta xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa oo ay ugu horreeyaan Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaaciil (Saylici), ahna murrashaxa jagadaasi ee mar labaad ee KULMIYE, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiirrada wasaaradaha Madaxtooyada, Caafimaadka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Waxbarashada, Warfaafinta, Boosaha iyo is-gaadhsiinta, wasiiru-dawlayaasha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga, wasiir-ku-xigeenno, agaasimeyaal guud, xildhibaanno, madaxdhaqameed isugu jira salaadiin iyo cuqaal, boqorro,  iyo boqolaal dadweyne ah, waxaanna halkaasi laga jeediyey khudbado lagaga hadlay madasha iyo ujeeddadeeda.

Suldaanka Guud ee Beelaha Habar-carfaan Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, ayaa si qoto dheer uga warramay asbaabta kalliftay inay beeshu si midaysan u go’aansato inay ku biirto xisbiga KULMIYE, waxaannu yidhi, “Shir dheer oo dhawr toddobaad socday guddi beesha ah kadib waxay ku soo gunaanaday inay siyaasadda Somaliland ee guurguuraysa inay meel ka fadhiistaan, waxaanay go’aansadeen inay si cad oo badheedh ah oo biyo-kama dhibcaan ah KULMIYE u dhex degaan, waxaana ay soo qorteen qoddobo badan ay siddeeda u qaateen Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici, mid kastaana waxa uu qabsoomayaa maalinteeda, siyaa awgeed siyaasaddii anoo suldaan ah aan kusoo dhex jirey maanta meel baan dhigayaa, haddii urur la furo iyo haddii wax kale yimaadaanba maskaxda iyo muruqa reerka waxaan ku ogahay KULMIYE.”

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Ibraahim Cabdi Riiraash, Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye, Suldaan Cabdiraxmaan Axmed, Imaam Xaaji Axmed Miisaan Aarre, Cuqaal iyo weliba madax-dhaqameed tiro badan oo halkaas ka hadashay, ayaa isku raacay inay beel-weynta Habar-carfaan isku raaceen inay wax la qaybsadaan xisbul-xaakimka KULMIYE, isla markaana  si hufan ula shaqayn doonaan.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Md. Mustafe Cabdi Ciise Shiine iyo Maayarka Degmada Borama Md, Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa iyaguna soo dhaweeyey tallaabada ay beelweynta Habar-carfaan ku go’aansatay inay  ku qanacdo waxqabadka iyo dadaalka xisbiga KULMIYE,  iyaga oo intaas raaciyey inay beeshu go’aankaas qaadatay xilli si weyn loogu baahnaa.

Wasiirrada Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Axmed Obsiiye, Boosaha iyo is-gaadhsiinta Maxamuud Sheekh Cabdilaahi, Caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye, Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Maxamed Mixille Boqorre iyo weliba wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo sidoo kale, xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) iyo Axmed Waysa-cadde oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xildhibaan Nuur Rayaale oo ka mid ah Golaha Guurtida, ayaa iyaguna dhammaantood hoosta ka xarriiqay inuu go’aanka beeshu xoojin doono cududda iyo awoodda xisbiga KULMIYE, waxaanay hambalyeeyeen sida hufan ee beeshu u fahamtay halka masiirkeedu ku jiro iyo cidda horumarka dalka lexejecladu ka hayso.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane, ayaa  ku bogaadiyey tallaabada beeshu qaadatay inay si midaysan iskugu raacday taageerada xisbul-xaakimka KULMIYE, isla  markaana ka dheeraadeen khilaaf iyo tafaraaruq dhexdooda ah, waxaanu yidhi, “Beeshu KULMIYE horeba way ugu jirtaye iminka way yara ruqaansatay, in la ruqaansadaana arrin aannu ku wada soconay buu ahaa si aanu midnimadayada u ilaalino,waayo midnimo ayaa wax lagu tari karaa haddii aannu marka horeba is qabanona midnimo halkan kuma aannu nimaadneen, waana arrin aannu ka baaraan-degnay oo intayada siyaasadda ku jirtaa aannu halkeedii dhignay, sidaa darteed maanta waxaanu si mug leh oo yar iyo weynba leh aannu masiirkayaga iyo mustaqbalkayaga ku biirsanaynaa annaga oo isku dhan xisbiga KULMIYE oo ay ahdaaftiisa siyaasiga ahi dalka iyo dadkaba wada deeqday.”

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaas khudbad ka jeediyey, ayaa beel-weynta Habar-carfaan ugu bushaareeyey inay masiirkooda dhigeen xisbi hayin ah oo la tijaabiyey, isla markaana ay ka warwar la’aadaan diiqaddii iyo cidhiidhigii ay hore ugala kulmeen xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, “Haddii xamaantiinii aad saarteen Awr layli ah oo aan jaro-barad ahayn oo buubaal ah oo uu idinla biqleeyey, maanta waxaad soo saarteen Awr hayin ah oo  gur-gurshaa ah ee taas ku biyo cabba, KULMIIYE-na waa xisbi yaqaanna gaadiid-celiska oo taasna ku qadimaysid, laba reerna xeer uma laha, waana xisbi hormoodka iyo qoorweyntiisu ay yaqaanaan runta iyo Rabbiba, berrina gaadiid-celiska waxa heli doona ragga halkan fadhiya,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.

Wasiirku waxa uu si weyn  u ammaanay xisbul-xaakimka KULMIYE, waxaannu tilmaamo ka bixiyey  waayo-aragnimada murrashaxiisa Madaxweynaha ee waqtigan Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaannu yidhi, “KULMIYE waa xisbiga dhidbay nabadda mushkiladdii Ceel Bardaale ee degaannadaas dhexyaallay, Guddoomiye Muuse Biixi-na waa hoggaamiye Somaliland maanta u baahan tahay oo berrito nabaddaas is-fahankeeda wax badan ka tari doona, Muuse hore ayaa loo soo tijaabiyey oo maaha nin dadka reer Awdal lagu odhanayo waa nin caynkaas ah ee waxa uu ahaa Wasiirkii Daakhiliga ee 1993-kii oo waqti xaasaasi ah oo adag ahaa, mashaakilaadkii Xeebta ka dhaca ee la isku maan-dhaafayna Muuse waa wasiirkii Daakhiliga ee xalliyey, isaga oo wasiir ah mushkiladdii uu xalliyey isaga oo madaxweyne ah oo mindida daabkeeda hayana waxaynu ka markhaati kacaynaa inuu xallin karo, waxaanaynu leenahay Somaliland waxay maanta u baahan tahay hoggaamiye adag oo run yaqaan.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna si weyn ugu mahadnaqay beelweynta Habar-carfaan go’aanka ay ku taageereen xisbiga KULMIYE, isaga oo si gaar ah carrabka ugu adkeeyey suldaanka guud ee beeshaas oo uu u caddeeyey in abaalka uu KULMIYE gashaday uu waqtigeeda heli doono oo aan la ilaawi doonin.

Dhinaca kalena, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin adag oo hanjabaad ah u diray dawladda taagta daran ee Soomaaliya oo uu uga digay faro-gelin ay ku hayso madaxbannaanida Somaliland, isaga oo shaaca ka qaaday  inaanay Somaliland faraha kala laaban doonin haddii aanay xukuumadda Xamar joojin daan-daansiga ay wado, waxaannu yidhi, “Beryahan magaalada Muqdisho waxa ka socota doorasho la yidhi Baarlamaan iyo aqallo ayaa laga dooranayaa Soomaaliya, had iyo goorna waxaynu maqalnaa iyada oo la leeyahay gobollada Waqooyiga oo xataa Somaliland aan la odhanayn, dadka la magacaabayaana waa dad Somaliland u dhashay, waxaanuse walaaladay iyo caalamka iyo Geeska Afrikaba u sheegaynaa gardarrada qaawan ee nimanka Muqdisho joogaa ay Somaliland kula kacayaan ee ay nin ku dhashay Boorama, Ceerigaabo iyo Hargeysa leeyihiin annagaa magacownay annagaa magacownay waar nalooma taliyo, horena kuwii idinka horreeyey baanu ka diidnay inay noo taliyaan, annaguna qaran walaaladiin ah oo 1960-kii idiin yimi baanu ahayn, maantana innaga oo heshiino mooyaane isma faro-gelin karno, haddiise aad dayn weydaan gurigaas aad soo faro-gelinaysaan, dawladaha jaarka iyo caalamkaba waxaannu u sheegaynaa inaynaan sidaas nabad ku ahaan doonin oo la is faro-gelin doono.”

Ugu dambayn, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo madashaas soo af-meeray, ayaa si aad ah u bogaadiyey go’aanka ay beelaha Habar-carfaan ugu biireen xisbiga KULMIYE, waxana uu xusay inuu go’aankaasi farxad iyo yididiilo gelinayo xisbiga KULMIYE oo halgan ugu jira inuu mar labaad haaneedo talada dalka ee uu haatan gacanta ku haya.

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu sheegay in is-kaashiga beelaha ay ka dhalanayso qaran qiimo leh oo  barwaaqo iyo horumar horseedi kara, isaga oo xusay in taageerada loo hayo xisbiga KULMIYE kor usii kacayso maalinba maalinta ka dambayso,“waxa aynu dhisaynaa ee isu kaashanaynaa waa qaran qurux badan, cidkasta oo iskaashi samaynaysana macnaheedu ma aha in cid gaar ah lagu xumaynayo, shalayna haddii uu xisbiga KULMIYE isaga  oo mucaarid ah uu kursiga ku yimi 50%, maantana markii waxqabadkiisa la ogaaday waxa hubaal in dadka 70% in ka badani ay xisbiga KULMIYE noqonayaan”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????