“Madaxweyne Haddii Sucuudigu Joojiyey Xoolihii, Arsaaqadii Inaguma Joojin, Wadamo Badan Oo Xoolaheena Abaal Ku Qaba Ayaa Jira Ee……….” Xildhibaan Qabile

0
776

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsanaa Xisbiga Mucaaradka ee UCID, gaar ahaan garabkii Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inuu ku biiri doono Xisbiga Waddani, oo uu sheegay inuu yahay Xisbi ka duwan labada Xisbi ee kale, waxaanu xusay inuu yahay Xisbi dhexdiisa wax laga sixi karo.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay dhoofka xoolaha ee la joojiyey iyo abaaraha dalka ka jira, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Xisbiga Waddani “Xisbiga Waddani, waxaan u arkaa inuu yahay Xisbi balaadhan oo Bulshada reer Somaliland ku dhan tahay, waxaan u arkaa inuu yahay Xisbi aan dhexdiisa wax ka sixi karo, inkasta oo Xisbiyada kale uu dhaliilo la wadaago, haddana waa Xisbi aan cid gaar ah u xidhayn, oo kala dambayn leh, markaas waanu ku soo biiri doonaa, waxaana ku dadaali doonaa haddii Rabi idmo in aanu is kaashano, waxaana hubaal ah inuu Xisbiga Waddani yahay Xisbi ka saari kara xaalada uu maanta dalku ku jiro, maxa yeelay sharci maanta lagu kala baxo ma jiro, maantana waxaynu maraynaa in haddii laba qof is qabsadaan in sharciga lagu kala bixin, oo Xukuumaddu aanay u xaqsoorin ee iyagu qofka ay danta ka leedahay u hiiliso, qofka kalena ay ka hiiliso, wixii ku dhacay Xisbiga UCID ee lagu sameeyey Jamaal Cali Xuseena weynu arkayn, markaas maanta Xisbiga Waddani Xisbi dhama oo ka fiicani ma jiro, waana ku biiri doona”.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile mar uu ka hadlaayey dhoofka xoolaha ee la joojiyey ayaa yidhi “Madaxweyne haddii Sucuudigu joojiyey xoolihii, arsaaqadii inaguma joojin, ee xor baynu nahay ee Wadamo badan oo Xoolaheena abaal ku qaba ayaa jira ee Wadamadaas la xidhiidh si xoolaheenu suuq u helaan”.

Dhinaca kale wuxuu ku taliyey in la sameeeyo qorshe balaadhan oo lagaga tashanayo abaaraha, waxaanu guud ahaan Bulshada ugu baaqay inay ILLAAHAY u soo noqdaan, oo danbiyada ka dheeraadan.