Daawo: “Garabkii Muuse Iyo Garabkii Aan Hoggaaminayey Waxa Na Dhex Maray Dagaal Qadhaadh, Isagaana Ku Guulaystay, Anna Isaga Ayaan Dhisayaa” – Cabdicasiis Maxamed Samaale.

0
937

“Waxaan Idiin Sheegayaa In garabkii uu Muuse hoggaaminayey iyo garabkii aan hoggaaminayey Uu Na Dhex Maray dagaal qadhaadh, isagaana (Muuse Biixi) ku guulaystay, anna isaga ayaan dhisayaa” – Cabdicasiis Maxamed Samaale.

“Dadka baa Yidhaa Cabdicasiis Samaale iyo Muuse Biixi Miyaanay Ahayn Kuwii Daahir Rayaalle Riday, Laakiin Qolo Kalaanu Ahayn”- Ex-Wasiir Samaale

Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa madasha ka hadlay, waxana uu sheegay in tartanku kamid yahay sunneyaasha dawliga ah, isla markaana muhiimaddu tahay aanay in aanay ka dhalan colaad iyo cunfi, waxana uu xusay inaanu wax nacayb ah reebin tartankii ay hore ula soo galeen xukuumaddii uu hoggaaminayey madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxana uu yidhi,“Markay xisbiyadu tartamayaan mar baa loo maleeyaa inay dagaallamayaan, laakiin lama dagaallamayo, xisbigii talada dalka hayn jirey ee UDUB xisbi adag buu ahaa xaqiiqdii ahaa, haddii aan xisbi kale oo adag oo kubadda la ciyaaraa jirinna Somaliland meesha ay soo gaadhay may soo gaadheen, waxana laga yaabaa in dadka qaar yidhaahdaa Cabdicasiis iyo Muuse Biixi kuwii Daahir Rayaale ridayay may ahayn, laakiin maanu ridayne qolo kale oo talada kala wareegaysay uun baanu ahayn.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu mudane Samaale markii ugu horraysay ka hadlay loollankii adkaa oo hore uga dhex dhacay xisbiga KULMIYE, kaas oo uu qayb ka ahaa, waxana uu shaaca ka qaaday inaanu tartankaasi wax turxaan ah reebin, isla markaana uu haatan si kal iyo laab ah ula shaqaynayo murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi,“Xisbiyada gudahoodana tartan baa ka jira. Marka xisbiga gudihiisa uu tartan ka dhacana waxa uu keenay midnimo xisbiga ah iyo xisbigu inuu yahay xisbi iyo inuu xisbigu yahay mid ballaadhan oo dad damac leh oo rabitaan lihi ay xisbiga ku jiraan, waxase aad muhiim ah inaanu tartankaas gudaha ahi aanu xisbiga baabi’in, waxana la odhan karaa tartankii xisbiga KULMIYE muddo dheer ka jirey muu baabi’inin xisbiga, inkasta oo dad qiimo lihi laga yaabo inay xisbiyo kale galeen, taasina ay nolosha kamid tahay oo aanay ceebahayn, laakiin labadayadii garab ee ugu adkaa, garabkii uu Muuse hoggaaminayey iyo garabkii aan hoggaaminayey in aanaan kala tagine mid baanu nahay, waxana aan idiin sheegayaa inaanaan maalin kaliya ku kala tagine uu ahaa uu ahaa dagaal qadhaadh oo xisbiga gudihiisa ah uun oo qof waliba uu doonayey inuu hanto hoggaaminta xisbiga, isagaana(Muuse Biixi) ku guulaystay, anna isaga ayaan dhisayaa” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.  furan ku qaabilay xildhibaannadan.