“Anigu Cadhadaydii Baan Liqay Markii Aan Dadkaygii La Tashadayna Waxaan Ogaaday In Geellu Isugu Kaaya Jiro Muuse Biixi Iyo KULMIYE”

0
900

“Markii Guddoomiyihii Baarlamaanka Ee  Hanka Madaxweyne Lahaa Kelmad Ii Odhan Waayey   Ayaan Ka Tashaday” -Jamaal Cali Xuseen

“Gaboose Iyo Cirro Cid Iskaga Xumi May Jirin Haddana Markii Dambe Gaboose Wuxuu Taageeray Cirro”

Musharraxii Madaxweynaha ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday in uu si rasmi ah ugu biiray xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, isla markaaana uu haatan wixi ka dembeysa uu hiil iyo hooba la garab istaagayo musharraxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYe Muuse Biixi Cabdi. Xaflad ballaadhan oo maalintii shalay lagu qabtay Hotelka Maansooree magaallada Berbera Jamaal Cali Xuseen iyo taageerayaashiisa oo aad u tiro badnaa ku soo bandhigeen cududooda iyo halka ay isugu biyo shubanayaan ayaa hadal uu madashaas ka jeediyey waxaa uu kaga dhawaaqay in isaga iyo taageerayaashiisu ay xooggooda isugu geynayaan xisbiga KULMIYE isla makraana ay ku dhisayaan musharrax Muuse Biixi Cabdi “Berbera oo ah magaalladii aan ka kiciyey halgankaygii siyaasadda waxaan ku faraxsanahay inaan mar kaleeto taageerayashaydii iyo dadkii aan kasoo jeeday ku wajahayo oo aan odhanayo cududdeena iyo xooggeena waxaynu ku biirinaynaa oo ku dhisaynaa Muj Muuse Biixi Cabdi”. Sidaasi ayuu yidhi Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxanau intaa ku daray “Nelson Mandela oo saddex iyo labaatan sannadood jeel ku jiray, kuwii ku riday buu cafiyey oo uu xilal u dhiibay, Gaboose iyo Cirro cid iskaga xumi may jirin haddana markii dambe Gaboose Wuxuu taageeray Cirro”.

“Anigu horta maanta waxaan kala dooranayaa laba xisbi xaakim oo midina dawladii haysto midina baarlamaankii haysto, laakiin markii guddoomiyihii baarlamaanku ee  hanka madaxweyne lahaa kalmad aan u qalmay ii odhan waayey oo ahayd  waar ninkaa waa laga qaldanaa ayaan ka tashaday.” Mar uu Jamaal Ka hadlayay sababta ku kelliftay in uu KULMIYE ku biiro oo uu dhiso musharraxa Madaxweynaha ee xisbigaas oo ay collaad xumi ku dhex martay saaxadda siyaasadda waxaa uu yidhi “ Anga waxaa igu kelliftay inaan Muuse Dhiso  cadhadaydii baan liqay taageerayaashaydii iyo dadkaygii baan la tashaday waxaanan ogaaday in geellu iskugu kaayo jiro mujaahid muuse biixi iyo KULMIYE.”