Xisbiga KULMIYE oo Taakulo Bustayaal loogu Talogalay Dadka Abaaraha ku Baro-kacay ku Wareejiyey Guddiga Abaaraha ee Gabiley

0
825

Hoggaanka xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa busteyaal iyo agab kale oo loogu talo galay dadka abaaruhu soo baro kiciyeen ee ku sugan deegaannada gobolka Gabiley ku wareejiyey guddida abaaraha ee isla gobolka Gabiley maanta.
Wareejinta agabkan ayaa waxa hadallo kooban ka jeediyey Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbigaas Md. Axmed Cabdi Dheere iyo weliba guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaas md. Jaamac Ismaaciil Cige(shabeel), waxana ay xuseen inuu xisbigu deeqdaas busteyaasha ah ugu talo galay dadka abaaruhu soo baro kiciyeen ee gobolkaas ku sugan.
Deeqda busteyaasha ah, ayaa waxa loo qoondeeyey ilaa 520 qoys, waxana si rasmi ah ula wareegay guddida gobolkaas u qaabilsan taakulaynta abaaraha oo wakiil u ahaa Md Muuse Miigane oo si weyn uga mahad naqay naxariista uu hoggaanka KULMIYE u muujiyey dadka abaaruhu dhibaatada gaadhsiiyeen.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada deeqda ay wareejiyeen, isaga oo bulshada reer Somalilnad-na baaq u diray, waxana uu yidhi, “waxanu halkan guddida taakulaynta abaaraha ee gobolka Gabiley ugu wareejinaynaa busteyaal ay soo ururiyeen xisbigu oo loogu talo galay in dadka abaaraha kusoo baro kacay ka huwadaan dhaxanta, dhammaanba shacabka reer Somaliland-na waxanu ugu baaqaynaa inay gurmad ka galaan taakulaynta dadkaas.”
Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Shabeel oo isaguna wareejinta deeqdaas kelmado kooban ka jeediyey, ayaa xusay inay xisbiga KULMIYE mar walba ka go’an tahay sidii ay dadkooda jilicsan wixii karaankooda ah uga geysan lahaayeen, isla markaana ay muhiimad gaar ah siinayaan caawinta dadka abaaruhu xilligan hayaan.