Wasaaradaha Caafimaadka iyo Warfaafinta Oo Amar Adag Ka Soo Saaray Baahinta Xayeysiisyo Caafimaad Oo Aanay Soo Oggolaan

0
947
Wasiir Xaglo-Toosiye

“Horta, Shirkadaha Isgaadhsiintu Warbaahin maaha, Isgaadhsiin baa loogu talo-galay oo waxay Liisanka ku haystaan Hannaanka Taleefannada, markaa markeeda hore ayey Sharci-darro tahay..” Wasiirka Warfaafinta Somaliland

Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Warfaafinta Somaliland, ayaa sheegay inay amar adag ka soo saareen Baahinta Xayeysiisyada Caafimaad ee aan oggolaanshaha ka haysannin Wasaaradda Caafimaadka ee ay baahiyaan qaybaha Warbaahinta iyo Shirkadaha Isgaadhsiintu, waxaanay ku hanjabeen ciddii amarkaa u hoggaansami waydaa inay mudan doonaan Ganaaxyo lacageed oo u dhexeeya Shan Kun illaa Toban Kun oo Doollarka Maraykanka ah iyo in Meheradda uu ku shaqaynayo laga xidho.

Shir Jaraa’id oo ay shalay si wada-jir ah Wasaaradda Warfaafinta ugu wada qabteen Wasiirka Caafimaadka Wasiir Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) iyo Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaanni), ayey sidaas ku sheegeen, waxaanay sidoo kale ka hadleen tallaabooyinka ay ka qaadi doonaan Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Cilaajyada.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan-Xaglo-toosiye oo ugu horreyn Shirkaas Jaraa’id ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaynu halkan isugu nimi inaynu shaacinno joojinta Xayaysiisyada Caafimaad ee ka baxa TV-yada, Jaraa’iddada, Idaacadda iyo Isgaadhsiinta (Shirkadaha Isgaadhsiinta), haddii aanu Xayeysiiskaasi ahayn midaan Ruqsad ka wadan Wasaaradda Caafimaadka.”

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaanni), “Maanta (Shalay) oo Bisha December 2016 tahay 10, wixii ka dambeeya, wax alla wax Xayeysiis Caafimaad ah oo ka bixi kara Warbaahinta Jamhuuriyadda Somaliland inaanu jirin. Ciddii u hoggaansami wayda arrinkaas, waxay mudan doonaan Ganaax dhan Shan Kun illaa Toban Kun oo Doollar ama iyadoo laga xidho Mihnadda uu ku shaqaynayo hadday TV tahay, hadday Jaraa’id tahay iyo hadday Website tahayba.”

Wasiirka Caafimaadka Dr. Xagla-toosiye oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Cilaajyada dadka lagu dabiibo, waxa uu yidhi; “Horta Annagu Ruqsad ma siinno Cilaajyada, Cilaajyaduna waxay ka mid yihiin dhibaatooyinka waawayn ee Wasaarad ahaan aannu wajahno, mahayno immika Awood aannu ku samayno Hay’ad Xanuunka Maskaxda (Dhimirka) qaabbilsan dalka oo dhan kaga wada hirgelinno. Cilaajyadu qiimaynta aannu immika sheegayno ayey ku jiraan, waxaannu ka rabnaa dhammaantood in qiimeyn lagu wada sameeyo, ma wada xidhi karno, waayo? Markaad Qofkii ka xidho meelihii uu Qofkiisa xanuunsanaya geynayey wuu kuu imanayaa wuxuu ku odhanayaa; ‘Adaa iga xidhaye meel I gee’ buu ku leeyahay. Laakiin, waannu yaraynaynaa oo waannu kaantarroolaynaa.”

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Mr. Cadaanni, ayaa mar wax laga weydiiyey Xayeysiisyada iyo Ogeysiisyada ay Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Somaliland ka jiraa ay baahiyaan oo kuwo Caafimaad u badan waxay ka yeelayaan, waxa uu ku jawaabay; “Horta, Shirkadaha Isgaadhsiintu Warbaahin maaha, Isgaadhsiin baa loogu talo-galay oo waxay Liisanka ku haystaan Hannaanka Taleefannada, markaa markeeda hore ayey Sharci-darro tahay in lagu baahiyo hadday Telesom tahay iyo hadday Somtel tahay-ba ama hadday mid kale oo is-gaadhsiineed tahay Xayeysiis Warbaahineed oo noocaas ah in lagu baahiyo maaha. Hore waannu ugala hadalnay Shirkadaha Isgaadhsiinta, immikana waannu ku amraynaa. Waxa weeye Shaqadooda maaha, hawshooda maaha, Sharcigii ay Ruqsadda ku qaateen bay jebinayaan.”