“Dawladdu Doollarka Iyadaa Haysa Oo Ka iibisa Sarriflayaasha, Bil iyo Dheeraad Doollar Soomay Saarin,Ee Kaashkii Bangiga Ayey Soo Daysay..”

0
1051

Iyada oo uu labadii toddobaad ee u dambeeyey jiray Sicir-barar saameeyey Suuqyada Lacagta ee Somaliland oo Qiimaha Doollarku kor u kacay, halka qiimaha Lacagta Shilinka Somaliland-na hoos uga dhacay, ayey qaar ka mid ah Sarriflayaasha Suuqa kala iibsiga Lacagaha ee Caasimadda Hargeysa ay Dawladda, gaar ahaan Baanka dhexe ku eedeeyeen inuu qayb ka yahay kor u kaca Sicirka Doollarka Maraykanka.

Qiimaha Boqolka Doollar ayaa marka uu Qofku sito loogu sarrifayaa Maalmihii u dambeeyey Siddeed Boqol oo Kun oo Lacagta Somaliland ah halkii uu markii hore ka ahaa Toddoba Boqol iyo Konton kun, halka marka uu Qofku doonayo Boqol Doollar Gacanta dambe lagaga iibinayo ama loogu beddelayo Siddeed Boqol iyo Labaatan Kun oo lacagta Somaliland ah, sida uu Wargeyska Ogaal xalay u sheegay Xasan Maxamed oo ka mid ah Ganacsatada Suuqa dhexe ee Hargeysa ee Lacagaha kala sarrifa.

Haddaba, Kor-u-kacan ku yimi Qiimaha Doollarka oo sidoo kale saameeyey Muceeshadda iyo adeegyada kala duwan ee Suuqyada laga gato ama laga iibsado, ayey Xukuumadda Somaliland iyo Baanka dhexe masuuliyaddiisa ku eedeeyeen Ganacsatada Sarriflayaasha ah ee lacagaha isku beddela, kuwaasoo ay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan iyo Agaasimaha Baanka dhexe  dhexe Cabdillaahi Xasan Aadan, ayaa 28-kii bishii hore ee Noofeembar oo ahayd toddobaadkii uu qiimuhu kor u kacay Shir Jaraa’id oo ay Xarunta Baanka dhexe ee magaalada Hargeysa ku wada qabteen kaga hadlay qiimo beelka Lacagta Somaliland iyo kor u kaca qiimaha Doollarka.

Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam, ayaa maalintaa 28 Noofeembar markii ay hadlaysay waxay sheegtay inay digniin u dirayso Ganacsatada Sarriflayaasha ah, waxaanay tidhi; “Waxa ka go’an dawladda in lacagta yare e ay wax ku iibsanayaan wax u goyn karto. Waxa aanu doonaynaa in aanu ka wada tashano dadka lacagta adagi gacanta ugu jirto ee dadkii ku dul baayacaya ee ka dilaalaya een abaar eegayn een waxba eegayn inay ummaddooda u tudhaan, hadii kale ay dawladdu go’aamo adag oo hadhowto aan ka farxin laga qaadan doono, hadii Illaahay yidhaahdo.”

Hase-yeeshee, Qaar ka mid ah Sarriflayaasha Suuqa ugu wayn Sarrifka Lacagaha ee badhtamaha magaalada Hargeysa, ayaa mar ay u warramayeen Weriyeyaal Warbaahinta qaarkeed ka hawlgala, waxay ku doodeen inaanay iyagu lahayn Masuuliyadda kor u kaca qiimaha Doollarka, iyagoo dawladda ku eedeeyey inaanay muddo bil iyo dheeraad ah soo saarin wax Doollar ah, iyadoo Doollarka hore uga iibin jirtay Dawladdu sida ay sheegeen Sarriflayaasha qaarkood.

Maxamed Axmed oo ka mid ah Sarriflayaasha Lacagta ka Ganacsada ee Suuqa dhexe ee magaalada Hargeysa; waxaanu yidhi; “Doollarki wuu qaaliyoobay, waxaana qaaliyeeyey oo saro u qaaday, marka Kaashku bato doollarku wuu qaaliyoobaa, markaa Bangigii baa la soo faaruqiyey oo Lacagtaa Noodhka Somaliland ah ee la soo farraqay ayaa sare u sii qaaday qiimaha Doollarka.”

“Dawladdu Lacagtaa Cad bay soo saartay oo iyadaa Suuqa Doollarka ku qaaliyeysay, haddii Lacagtaa Bangigu xakameeyo Doollarku nafis buu iska ahaanayaa. Lacagtan Dadweynaha lagalama tashan markii la soo samaynayey, Fikrad fiican baannu ka dhiiban lahayn haddii nalagala tashan lahaa, waxaannu odhan lahayn Lacagta Shanta boqol ah halla soo cusboonaysiiyo, maalintii la soo daabacay Lacagtaa Kunka Shilin iyo Shanta kun ee Shilinka Somaliland ah Wadnahaa na go’ay, in Sicir-barar imanayana waannu garanaynay.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Maxamed.

Mar Sarrifle Axmed Maxamed la weydiiyey in Sarriflayaasha lagu eedaynayo inay masuul ka yihiin qiimo-bararka Lacagta Doollarka iyo hoos-u-dhaca Shilinka Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Dawladdu inaanay lacagtaa cusub ee cadcad soo saarin ee ay xakamayso ayey xaq u leedahay. Midda kale, dawladdu Doollarka iyadaa haysa oo ka iibisa Sarriflayaasha, markaa muddo immika illaa bil iyo dheeraad ah wax Doollar ah may soo saarin dawladdu.”

Qaar kale oo ka tirsan Sarriflayaasha Suuqa dhexe ee Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay inaanay iyaguba jeclayn Sicir-bararka Lacagta Doollarka iyo qiimo-dhaca Shilinka Somaliland, maaddaama oo ay saamayn ku leedahay nolosha qaybaha kala duwan ee Bulshada oo xataa Muceeshadda iyo adeegyada kale-ba Sicir-bararku saamaynayo oo qiimohoodu kor u kacayo. Waxaanay dawladda ugu baaqeen inay wax ka qabato qiimaha Doollarka ee xadhkaha goostay.