Garabka dhallinyarada Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta dacwad ka dhan ah khasnajiga daladda Sonyo isla mar ahaantaana ka tirsan garabka dhallinyarta Xisbiga KULMIYE oo magaciisa la yidhaahdo Faysal Cumar Madar (Faysal Qumuj) u gudbiyey golaha sare daladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO.

Dacwaddan oo ay si wada-jir ah u gudbiyeen guddoomiyaha Garabka dhallinyarta WADDANI, xoghayaha dhallinyarta iyo weli ba sida oo kale hoggaanka Maaliyadda garabka dhallinyarta heer qaran ee WADDANI, ayaa waxa si rasmi ah uga guddoomay guddoomiyaha dallada heer qaran ee Sonyo, iyada oo sida oo kale na ay Golaha weynaha daladdaasi oo maanta uu u soo xidhmaayey kalfadhigoodii caadiga ahaa, waxaana ay halkaas ka akhriyeen dacwadda ay ka gudbinayaan Faysal Qumuj oo ay ka codsadeen in si deg-dag ah loogga qaado xilka uu ka hayo.