Suldaanka Guud ee Beellaha Somaliland Suld Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi Ayaa Ka Hadlay xaallada abaareed ee muddooyinkaba dalka ka jirta taasi oo uu sheegay in ay ku timi kadib markii loo hoggaansami waayay shuruucda Islaamka iyo ku camal falka waajibaadka shanta tiir islaam inna farayaan kuwaas oo ay bixinta sekedu ka mid tahay. Waxaa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko isku shaandhayntii dhawaan madaxweynuhu sameeyey  taas oo xil ka qaadis, magacaabis iyo isku badal xubnaha xukuumadda ah ka koobnay,“Waxaan Leeyahay abaaraha innagaa keensannay ee iskama yimaadaan, Marka sekada la bixinwaayo sammaduna roobkeeday ceshataa, dhulkuna baadkiisuu ceshadaa”. Sidaa ayuu yidhi suldaanka guud ee beellaha Somaliland oo maalintii shalay hadal ka jeediyey hadhimo magaallada Hargeysa loogu sameeyey guddoomiyaha cusub ee bangiga dhexe ee JSL. Waxaanu intaa ku daray “ Duco iyo wax kasta haddii aad akhrido oo aad sakaatul maal tahay tiixna heli maysid ee dadkana haloo sheego iyo reer baadiyaha xoollo dhaqatada haloo sheego inay sakada si fiican iskaga bixiyaan, [haddii ay bixinayaan] weligeedba colaad iyo aafo kale toona maysoo marteen waayo aafadu waxay ku habsataa qoomkii khilaafa shareecada islaamka. Illaahay waxaan ka baryayaa in uu innaga feydo abaarta, ummadana uu ku hannuuniyo rukumada uu Islaamku leeyahay.” ayuu hadalkiisa ku ladhay suldaanku.

Geesta kale waxaa uu ka hadlay xil-ka-qaadista mid kamid ah wasiirradii dhawaan ku jiray isku shaandheyntii madaxweyne Siilaanyo xukuumaddiisa ku sameeyey, kaasi oo uu tilmaamay suldaanku in uu ka hawl-geli doonno arrinkiisa “Waxaa kale oo aan idiin sheegayaa arrinta wasiir Cabdi-Wadaad [oo ah wasiir ku xigeenkii wasaaradda Kalluumaysiga ee xilka laga qaaday], berigii horena annagaa [xukuumadda] geynay, immikana annagaa arrrintiisa ka hawl-gelayna, waayo Cabdi-Wadaad Waxaa uu ahaa ninkii ciidankiisoo reer-reer u kala baxaya mideeyey.” Ayuu Suldaanku hadalkiisa ku soo koobay, Gebogabadii hadalkiisana waxaa uu suldaanku u mahad naqay madaxweynaha, waxaanu yidhi Madaxweynaha JSL waxaan uga mahad naqayaa magacaabista uu Khadar dhoobaalle u magacaabay xilka guddoomiyaha baanka. Waxaanan leeyahay Khadar Dhoobaalle xilkiisu waa Madaxweynaha Bangiyada Somaliland ee maaha agaasime iyo guddoomiye midna”.