“Xukuumaddu Doorashada Daacad Kama Aha, Isku Shandhayntana Waa Majarahabaabin Dadka Lagu Khaldayo” Xildhibaan Bashiir Tukaale

0
920

Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo ka mid ah Xildhibaanada Wakiilada,kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani,ayaa ka hadlay isku shandhayntii ugu danbaysay ee uu Madaxweynuhu ku sameeyo Xukuumaddiisa,waxaanu tilmaamay in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin kaga wanaagsanaa Madaxweyne Siillaanyo.

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin,Xukuumaddisu waxay ahayd Xukuumad ka nidaam wanaagsan Xukuumadan Siillaanyo,maxa yeelay lama sii ogaan jirin lagamana sii war qabin isku shandhaynta uu Daahir Rayaale ku saameeynayo Xukuumaddiisa,balse imika bil ka hor ayaa la sii ogaadaa isku shandhaynta Siillaanyo,waxaana haboonayd in sir iyo qarsoodi ahaato isku shandhayntu,oo Madaxwrynuhuun ku koobnaato,balse taasi ma muuqato,ta kale waxaad mooda inuu Madaxweynuhu ku deg degay oo aanu ka fiirsan isku shandhayntan,maxa yeelaya waxa ka muuqatay ka fiirsi la’aan”.

Xildhibaan Tukaale oo ka hadlaya Doorashada ayaa yidh “Xukuumaddu Doorashada daacad kama aha isku shandhayntana waa majarahaabin dadka lagu khaldaayo ee Komishanka waxaan ugu baaqayaa inay Xukuumadda iska ilaaliyaan,”