War Dag Dag:- Suldaanka Guud Ee Subeer-Awal Oo Ku Dhawaaqay War Faxad Galiyay Beeshiisa Iyo Guddi Uu Ansixiyay.

0
1537

Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Qabtay Huteel Maansoor Ee Magaaladda Hargeysa Ayaa Lagu Shaaciyey  Guddi Loo Sameeyay Beesha Cabdale Siciid Ee Sacad Muuse, Munaasabadaas Oo Ay Ka Soo Qayb-Galeen Cuqaal, Waxgarad Iyo Dhalin Yarro,  Goob Joogna Uu Ka Ahaa Suldaanka Guud Ee Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi  Suldaan Cabdirax,maan, Taasoo Lagaga Dhawaaqay Gudidaas Beesha Cabdale Saciid Ee Sacad Muuse, Isla-Markaana Halkaasi Waxa Ka Hadlay Suldaanka Guud Ee Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Ka Dib Markii Uu Duceeyey, Ayaa Waxa Madashaasi Kaga Dhawaaqay In Beesha Subeer Awal Ay Leedahay Hal-Musharax Kaasina Yahay Muuse Biixi Cabdi,

Waxaanu Gudidaasi Kula Dardaarmay In Ay Ka Shaqeeyaan Wadda Jirka Iyo Sidii La Isugu Duubi Lahaa Beeshaasi.

Geesta Kale Waxaa Uu Suldaanku Ugu Baaqay Guud Ahaa Beel-Waynta Subeer-Awal In Ay Maanka Ku Hayaan In Mushaxa Kaliya Ee Ay Leeyahiin Uu Yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi. Waxaanu Yidhi:- “Maanta Musharaxa Kaliya Ee Aynu Leenahay Waa Muuse Biixi Cabdi Ana Waan U Ducaynayaa, Beeshana Waxaan U Rajaynayaa Isku Duubni Iyo Guul Ayuu Yidhi Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan”

Dhinaca Kale Waxaa Uu Suldaanku Sheegay In Uu Saamaxay Cid Kasta Oo Faro Galisay Sandalada Subuur-Awal Waxaanu Kula Dardaarmay In Laga Wadda Shaqeeyo Horumarka Reerka Waa Subeer-Awale,

Gabagabadii Waxaa Uu Suldaanku Madashaasi Ku Ansixiyay Gudidda Beesha Cabdale Siciid Ee Subeer Awal Oo Ka Shaqayn Doono Siddii Loo Dhisi Lahaa Musharax Muuse Biixi Cabdi.