Laba Arrimood Oo Bulshada Somaliland Ka Nixiyay Oo Wasiirkii Hore Ee Biyuhu Ku Garnaqsaday Iyo Masuuliyiin Uu Sheegay Inay La Kulansiinayaan Madaxweyne Siilaanyo Xil-ka-Qaadistii Kadib

0
1140
Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Diyaarado Dagaal Oo Duqaymo Ka Geystay Deegaanno Kala Duwan
Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Diyaarado Dagaal Oo Duqaymo Ka Geystay Deegaanno Kala Duwan

Maxaa Ka Jira In Wasiirkii Biyaha Ee Xilka Laga Qaaday Laga Haysto Hantidiisii Gaarka Ahayd
Iyo In Loo Diiday Inuu La Kulmo Madaxweynehihii Magacaabay Oo Aanu Arag Muddo Bilo Gaadhaysa

Bulshada reer Somaliland ee Habeen hore daawatay Hadalkii garnaqsiga ahaa ee uu Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha Somaliland ee dhawaan shaqada laga eryay Md Baashe Cali Jaamac uu ku garnaqsaday ayaa dareen naxdinleh ka muujiyay laba arimood oo si gaar ah u taabtay,kuwaasi oo uu Wasiirku sheegay inay ku dhacday,waa hanti gaar ah oo uu leeyahay oo ka maqan oo loo fasirtay in dad ay is-hayaan ay amar ku bixisay in laga xanibo iyo arinta uu kaga hadlay Madaxweynaha oo uu sheegay inaanu arag mudo bilo gaadhaysa, arintaasi oo daaha ka rogtay habdhaqan aan hore looga baran Xukuumaddihii soo maray Somaliland oo aanu hore looga warin.
Wasiir Baashe oo aad uga dhawrsaday inuu wax badan Warbaahinta ka sheego ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Warka aan immika sheegayaa kuma dhamma warkaygu oo war badan oo kale ayaan sheegi doonaa, laakiin tan aad maanta qod-qodaysaan [Khilaafka] ma rabo inaan ku sii degdego. Anigu KULMIYE ayaan ahay, xukuumadduna waa tii aan ka tirsanaa oo ceebteeda inaan banaanka ka sheegsheego ma doonayo, laakiin waxaan rabaa in waxyaabahaas dhacay si aan wax uga toosin karo inaan madaxda qaranka inaan meello aan Media-ha ahayn aan kala hadlo oo wixii aan tabanayo ee khaldan aan ka sheego. Waxaaba’se la yidhi haddii Foolli timaado gudo qarsiimmo hadhay oo haddii aan awood u waayo inaan madaxweynaha arko oo aan awood u waayo inaan madaxda ku qanciyo waxyaabo badan oo aan sheeganayo iyo hanta iga maqan baa jira dee daniba way odhan inaan Media-ha ka sheego.”. Baashe Cali Jaamac
Waxa uu sheegay inaanu arag Madaxweynihii Magacaabay Muddo bilo gaadhaysa,Waxaanu sheegay inuu hadda rajaynayo inuu la kulmo,isagoo sheegay in rag ka dhex shaqaynayaan sidii uu kulan ula qaadan lahaa Madaxweynaha,isagoo intaa ku daray in haddii ay taasi dhici waydo uu mar kale Warbaahinta ka sheegi doono Wax badan oo jira,Waxaana uu yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya sidan“Nasiib darro Madaxweynaha jaanis umaan helin Afar bilood, Madaxweynah marna gaar umaan arag,lakiin hadda waa lagu maqanyahay in aan is aragno Madax badan ayaa ku maqan,Wasiirka Gaashaandhiga Iyo Wasiirka Arimah gudaha,lakiin waxaan isku dayi doonaa Madaxweynaha iyo Madax-da kale aan ka arko arinkaas,warka aan imika sheegayaa warkaygu kuma dhamma war badan ayaan sheegidoonaa lakiin tan aad maanta qod-qodaysaan in aan ku sii degdego ma doonayo”.Ayuu yidhi.