Wasiirka Xanaanada iyo Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Cukuse ayaa Caeeyay in Aanay Xoolaha Somaliland qabin Xanuunada lagu sheegay Qoraalka kasoo baxay Dawlada Sacuudiga ee lagu joojiyay Xoolaha Soomaalida.

Wasiir Cukuse, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxaa kale oo uu sheegay in joojinta xoolaha ee dawlada Sacuudiga kala hadli doonaan sida ugu dhakhsaha badan.

“Waxba kama jiraan xanuunada ay sheegeen in Xooluhu qabaan, dawlada Sacuudigana waanu kala hadli doonaa sidii xoolaha looga iibin lahaa dalkaas”ayuu yidhi wasiir Cukuse.

Dawlada Sacuudiga ayaa dhawaan shaacisay inay joojisay xoolihii uga iman jiray dhulka Soomaalida, arrinkaasi oo ay ku sababaysa caafimaad la’aan haysata xoolaha Soomaalida.

Soomaalida isha ugu muhiimsan ee dhaqaaluhu kasoo galaa waa xoolaha nool, kuwaasi oo badankooda u dhoofiya dalka Sacuudi Carabiya.

CodkaSomaliland