Budhcad Kooxo Kuwada Socota Oo Habeenkii Guryaha U Dhacaysa Hargeysa Iyo Xaafado Badan Oo Caasimada Ka Tirsan Oo Laga Dareemay

0
940

Budh-Cad Tooriyo Iyo Cawjado ku hubaysan oo wakhtiga Habeenkii Guryaha xoog ugu dhacaysa ayaa si weyn looga dareemay Xaafado Badan oo ka tirsan Caasimada Somaliland ee Hargeysa,Waxaanu Habeen hore falkii u dambeeyay uu ka dhacay Xaafada ka dambaysa Huteel Maansoor ee Galbeedka Magaaladda Hargeysa ee Degmadda Ibraahim Koodbuur oo ay Koox Tooriyo ku hubaysani Guri xoog ugu jabiyeen Hooyo iyo ubadkeedii oo dhex hurday,iyadoo dhinaca kalena lana soo gaadhsiiyay fal kale oo bahalnimo leh oo kaasi oo kale ah oo isla Habeen hore uun Hargeysa ka dhacay.
Xogo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in falalka noocan oo kale ahi ay ku soo badannayaan Magaaladda Hargeysa,Islmarkaana Habeen hore saqdii dhexe ay rag Tooriyo iyo Baangado ku hubaysani u dhaceen Guri ay hurdeen Hooyo iyo ubad ay dhashay oo aad u yar yaraa,kaasi oo dhinaca Galbeed ka xigay Huteelka Caanka ah ee Maansoor,Waxaana la sheegay in Raggaasi ay xoog ku jabiyeen Albaabka,dabadeedna ay tooriyo iyo Baangado ku qabteen Hooyaddii gurigaasi ku dhex sugnayd oo ku ambabartay shanqadhii albaabka,Waxa ay xogta aanu helnay intaa ku dartay in Ubadka qaar ka mid ahi ay ku saseen oo ay qaylyeen markii ay arkeen Tooriyaha iyo Baangadaha Hooyadood lagu hayo,Waxaana dhacday inay Toogtii si arxandaro ah ay toori ula dhaceen hooyaddii. Iyadoo Markii dambe Hooyadaasi loola cararay Cisbitaalka Weyn ee Magaalada Hargeysa oo illaa Shalay lagu dabiibayay. Warkan ayaa intaa ku daray in Aabaha Qoyskaasi Dhalay uu ka mid yahay Ciidanka Bilayska islamarkaana uu shaqo qaran kaga maqnaa.
Dhinaca Kale,Fal Noocaasi oo kale ah ayaa Isla habeen hore ka dhacay Meel udhaw Isgoyska Xero-Awr ee Magaaladda Hargeysa,Waxaana guri Xaas halkaasi kuyaala iyaguna u dhacay Sida lanoo sheegay saddex nin oo Tooriyo iyo Baangado ku hubaysnaa, kuwaasi oo xoog ku jabiyay Albaabka Gurigaasi, islamarkaana Qol uu hurday nin dhalinyaro ah oo ku toosay intay isku jabiyeen Xoog ugaga qaatay Wixii Alaab qolkaasi tiilay,Waxaanay arintaasi dareen argagax leh ku abuurtay Dadkii Gurigaasi la jaarka ahaa oo cabsi gaar ah ka qaaday Qaabka Falkaasi u dhacay iyo qaabka budhcadnimada ah ee loo fuliyay,iyadoo markii dambe inta la is urursaday la raadiyay raggii gurigaasi u dhacay oo nasiib daro aan wax dhib ah gaysan balse Alaab badan ka qaatay Gurigaasi.Wararkan ayaa intaa ku daray in Falalka noocan oo kale ahi ay ku soo badanayaan Magaalada Hargeysa islamarkaana Xaafado badan oo Magaaladda Hargeysa ka mid ah laga soo sheego oo lagu arkay islamarkaana dadku ay dareen Cabsi leh ku abuurtay.
Maaha markii u horaysay ee Falalka noocan oo kale ah lagu arkay Magaaladda Hargeysa balse waxa wakhtiyo soo kala dambeeyay lagu arkay Meelo badan oo ka tirsan Caasimada Hargeysa,waxaanay falalkaasi dhici jireen Wakhtiga dadku ay soo jeedaan, iyadoo jidadka iyo meelaha madaw ee Xaafadaha dhexdoda ah la isku baadhan jiray,balse imika horteed Hargeysa iyo Magaalooyinka Waa weyn toona laguma arag falkan Bahalnimada ah ee Saqda dhexe ee Habeen inta Albaabka si cad la isku jabiyo xoog wax loogu kala Qaadanayo,Waxaanay arintani u baahan tahay in baadhis qoto dheer ay Xukuumadda iyo laamaha amnigu ku sameeyaan oo la soo ogaado Kooxaha falalkan Amni darada ah ka dambeeya islamarkaana Talaabo ku haboon oo sharciga Waafaqsan laga qaado.