Somaliland Maxay ku Xusi Doonta Maalinta la Dagaalanka Musuq-maasuqa Adduunka?

0
1091

9 December oo ku beegan barito oo jimce ah waxa loo asteeyey in ay noqoto maalinta la dagaalanka musuq-maasuqa (International Anti-corruption Day).

Waxa laga xusaa dhammaan dalalka aduunka oodhan hase yeeshee waxay ku kala duwan yihiin sida loo xuso.

Dalalka qaarkood waxay u dabaal degaan sidii ay uga guulaysteen la dagaalanka musuq-maasuqa ama ay uga cidhib tireen bulshadooda. Kuwo kale waxay maalinta u xusaan in la dardar geliyo la dagaalanka musuqa iyo in lays xasuusiyo in ololaha la sii wado ilaa inta xidida loo siibayo.

Hadaba Somaliland iyadu sidee ayey u xusi doonta, maxayse ku xusi doonta maalinta musuq-maasuqa aduunka? Sidii looga bartay xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo laga fili maayo in ay xusi doonto ama ay soo hadal qaado sababta oo ah musuq-maasuqu xagooda cudur kama ah balse wuxuu ka noqday dhaqan iyo wax nolosha ka mid ah.

Maamul xumida iyo musuq-maasuqa oo laga faana wuxuu la kawsaday xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa hormood ka ah madaxda ugu saraysa ee dawlada, wuxuu hoos u xulay ilaa halka ugu hoosaysa maamulka sidaas oo kale wuxuu ku baahay qaybaha kale ee bulshada.

Waxay u eegtahay madaxweynuhu in uu wasiiradiisa iyo qaraabadiisa O-k siiyey si ay u sii xaalufiyaan dalka, raga qaarkood waxa la moodaa inay yihiin ‘transit’ meelo kale u sii sahay qaadanaya. Si musuq-maasuqa loogu fududeeyo waxa hawl gab laga dhigay ama awoodii laga qaaday hay’adihii dawlada ee ku shaqada lahaa ilaalinta hantida umada sida Hantidhawrihii Qaranka oo shicibku is-waydiinayo halka uu ku dambeeyey, xisaabiyihii guud oo isagana loo casilay agaasime waxaad ka tirsan wasaaradda maaliyada oo haba yaraatee aan lahayn awood uu isku hor taago lacagaha sida sharci darada ah loogala baxayo khasnada dawlada iyo guddigii qandaraasyada oo hawshoodii loo weeciyey dhinaca madaxtooyada; si rayul caamka dadweynaha loo qaldana badalkoodii waxa la magacaabay hay’ad la yidhaahdo komishanka Maamul Wanaaga iyo La Dagaalanka Musuq-maasuqa oo runtii wax baahi ah loo qabin.

Madaxweynuhu haddii uu daacad ka yahay la dalaanka musuqa kaliya waxa uu xoojin lahaa hay’ada qaab dhismeedka dawlada ku jira ee kor xusan. Si kastaba ha ahaate labadii sanadood ee ugu horeeyey Komishanku waxay soo uruuriyeen xogo muhiim ah oo tibaaxaya hanti la lunsaday iyo masuuliyiintii gacan tugaalaysay hase ahaate mar dambe waxay ku baraarugeen in aanay madaxweynaha dhab ka ahayn la dagaalanka musuq-maasuqu oo magacooduna yahay food saaro markii warbixin kasta oo madaxweynaha loo soo gudbiyo hoosta la dhigay ama waxba laga qaban waayey masuuliyiintii magacyadooda lagu xusay warbixinta komishanka.

Si kastaba ha ahaate musuq-maasuqu wuxuu ragaadiya kobaca dhaqaalaha, wuxuu fadhiid ka dhigaa maamul wanaaga, wuxuu kalsooni daro ku abuuraa maalgashiga, waxa joogsada ama yaraada deeqihii dalku ka heli jiray beesha caalamka, aakhirkana wuxuu galaaftaa xukuumadii u dul qaadatay ku dhaqanka musuq-maasuqa.

Gabagabo mudane madaxweyne waxba been ayaan run lagaaga dhigin, xukuumadaadu waxay taariikhda ku gali doontaa xukuumadii ugu musuq-maasuqa badnayd ee sii marta Somaliland.

 

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami22@gmail.com