Hargeysa Caasimad Gacanta u Gashay Dad Aan Xilkas Ahayn

0
1236

Wadan waxa horumariya dadkiisa, oo u doorta dad damiir leh oo danahooda uga shaqeeya, maanta Hargeysa waxa mudo afar sano iyo badh ah gacanta ku haya Gole Deegaan oo shacabku soo doortay kuwaasi oo laga filayay inay Caasimada Hargeysa  ka hirgeliyaan dhamaan adeegyadii shacabku u baahnaa oo ay ugu horayso biyo nadiifa oo magaaladu ka haqab-beesho, wadooyin tayo leh inay dhisaano, biyo mareeno caasimadu yeelato, nadaafad iyo fayo-dhawr, adeeg caafimaad oo la goyn karo, waxbarasho tayo leh iyo nidaam kala danbayn iyo dawladnimo ku dhisan oo caasimadu dalka oo dhan hormood ugu noqoto.

Maanta riyadii shacabku ku riyoonayeen waxay noqdeen xumbadii daadka ee la waayay marka daadku dhamaado, Golihii Deegaanku waxay noqdeen dad aan karti  iyo aqoon ay wax ku qabtaan lahayn, waxaba ka sii daran amaano la’aan, intooda badana waxa lagu dhaleeceeyaa inaanay ahayn dad Ilaahay ku xidhan oo aakhiro kaga cabsanaya xoolaha umada taas badelkeedana ay noqdeen niman intooda badan dantooda ugu soo shaqo tegay xoolaha umada ee aan dan umadeed aan u iman. Maanta hadii aad caasimada dhex marto meel kasta baylah ayaa kaaga muuqanaysa, baylahahaas intooda badan wax-ka-qabashadoodu waxay u baahan yihiin wax aad u yar oo aduuna balse marka ay sii dayacmaan beri waxay ku kici karayaan boqolaal kun oo doolar balse maanta cid lexjeclo ka haysaa ma jiraan oo Golihii Deegaanka iyo tii xukumad ahaydba indhahoodu cirka mooyee dhulkaba ma qabtaan mana arkaan waxa shacabku arkayo.

Caasimada Hargeysa waxay u baahan tahay biyo ku filan oo waara, maanta biyaha soo socda ee loo sacaba tumayaa maaha sida la moodayo, sida hore loo sheegay, waxay waraabin karaan oo qudha marka laga reebo inta ay imika waraabiyaan dad gaadhaya boqol iyo shan iyo sodon kun oo qof, waxba kama aha Hargeisa intaasi, waxa haboon in biyihii Xumba weyne Xukumadu dhexda u xidhato oo ay biyaahaas sidii magaalada loo keeni lahaa laga shaqeeyaa, ninkaas Carabka ah ee ku sadaqadaystay ceelashaasna la garab galaa, loona fududeeyaa sidii biyahaas magalaada loo keeni  lahaa, loogana ilaalin lahaa dilaaliin dhexda u fadhiisata. Waa in mashruuca biyahaas la siiyaa Shirkad Ajanabi oo takhasus u leh biyahaas sidii loo keeni lahaa Hargeysa.

Waxan u soo jeedinayaa Maayorka Hargeysa, ku-xigeenkiisa, Xoghayaha Dawlada Hoose iyo xubnaha Gollaha Deegaanku inay Ilaahay ka cabsadaan oo ay isdaba qabtaan, xilka waligiin ma joogaysaan, dadka aad dhulkii danta guud aad ka iibinaysaan waa caruurtiinii ee maaha caruur kale oo Hargeysa ku nool, kuwa aad garoon iyo wadaba tiraysaan waa caruurtiina, kuwa idin habaari doonaa waa iyaga inta aan la islaba gaadhin kuwa kale. Caruurtiina ceeb ha u soo jiidina,  ma ogidine, habaar ayaa socda, inkaar ayaa idinku socota, cuqubo ayaa idinku socota, waar isku naxa oo dadka xaqooda iska dhaafa, kana cafis waydiista shacabka, inta wakhtiga idiinka hadhayna dadaala oo wixii aad xumayseen hagaajiya, Masaajidada umada kula tukada oo ka soo baxa marfashyada qaadka. Maayarka waxan leeyahay adiga ayaa xilka iyo masuuliyada ugu culusi ku saaran tahay, adiga ayaana ugu xisaab culus maalinta qiyaame, isdaba qabo oo wax qabo maanta ayaad wakhti haysataaye, umadaada u soo kalah oo noqo qof loogu yimaado xafiiskiisa inta aanay dadku soo shaqo tegin, noqona qofka ugu danbeeya ee ka rawaxa xafiiskiisa. Xadiisal Qudsi ayuu Rasuulkeenii suubanaa (SCW) inoogu sheegay in qof kasta masuuliyada la saaray la waydiin doono, Allena la xisaabtami doono.

Maalmuhu way ordayaan, subaxba subax ayuu inoo dhiibayaa balse ma dareensanin, sidaas ayaana qabriga ugu dhawaanaynaa maalinba maalinta ka danbaysa, fursadu waa maanta ee maaha beri mid la sugayo. Qofkii Xil umadeed la saaray ayay hawli  haysataa, waar hadii aydaan ka soo baxayn amaanada la idiin dhiibay Ilaahay dartii iskaga casila, oo aakhira ka fikira.

Allaa Mahad leh

Yuusuf Wacays