Faysal Cali-waraabe Oo Garashada Xirsi Fadhiid Ku Sheegay Iyo Hoggaamiyaha WADDANI Oo Soo Jeediyey In Guurtida Laga Xayuubiyo Awoodda Muddo-kordhinta Doorashada

0
1229
Faysal Cali Waraabe Oo Ka Waramay Shir Maalgashi Oo Uu Jarmalka Kaga Qayb Galay
Faysal Cali Waraabe Oo Ka Waramay Shir Maalgashi Oo Uu Jarmalka Kaga Qayb Galay

“Aniga waxa ay ila tahay dib udhacu waa arrin farsamee aynu farsamadeeda u dayno oo haddii dib u dhac yimaaddo aynu komishanka u dayn oo qoddobka la odhanayo Guurtidu ha qiyaasaanna wax  hallaga beddelo oo xeer sharci oo fasiraya hallaga soo saaro” Ex. Wasiir Xirsi

“Dadkeenu mucaaridka ayuu ku fiican yahayoo markuu xafiiska fadhiyo maskaxda badh baa ka tagta, talooyinka uu Xirsi maanta halkan ka sheegayo maalintii uu wasiirka madaxtooyada ahaa muu haynin.”Eng. Faysal Cali-waraabe

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ahna murrashaxa madaxweynenimo ee xisbigaas Md. Faysal Cali-waraabe iyo hoggaamiyaha xisbiga WADDNAI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey  sida loo xalili karo duruufaha inta badan ka hor yimaadda doorashooyinka dalka ka dhaca oo dibudhac badani ku yimaaddo, waxana soo jeediyeen fikrado dhibkaas lagu xallin karo.

Ugu horrayn guddoomiye Faysal oo ka hadlayey madal saddexda xisbi-qaran, hay’ado caalami ah, kuwo waddani ah iyo weliba ururro bulsho iskugu yimaadeen, isla-markaana lagu gorfaynayey dhibka doorashada hortaagan, ayaa, hoosta ka xarriiqay inay guurtidu caqabad aan laga gudbi Karin ku tahay qabsoomidda doorashada, “Guurtideena markii hore wax badan inoo qabteen, laakiin imika cudur bay inagu noqdeen, marka la yidhaahdo doorashadii baynu gelaynaana Guurtidu ma garanayaan in adduunku wax inala leeyahay, Xaaji Cabdi-na ma yaqaan deeq-bixiyayaal baa jira, taladeenii baynu u dhiibnay dad aan waxna qorin, waxna akhriyin”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu Faysal markale sharraxay dhibta xagga aqoonta ah eek u gedaaman golaha guurtida,“Beri baan guurtida ku idhi waar waxna ma qortaan, waxna ma akhridaane maxaad sharciga idin horyimaadda ku garataan inaad wax diidaan iyo inaad ogolaataan, waxayna yidhaahdeen dee marba madaxweynaha meesha fadhiyaanu ku nidhaahnaa miyaanu celinaa mise waanu diidnaa”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Waxa uu intaas ku daray,“Adduunku muxuu Musseveni oo intaas oo jeer korodhsaday uga caban waayey oo Geele-ha agteena looga caban waayey, waxoodu waa Miskiin baa misko la fuulo lehe ma aha inay shan milyan iyo lix milyan dalka inagula taliyaan oo ay wax inoo yeedhiyaan, annaga oo aan marnaba jeclayn dib-u-dhaca, haddana waxanu jecelnahay inaanu doodno annaga oo xor ah oo aan cid kale dibadda inaga riixian.”

Waxa uu Faysal Cali-waraabe si cad u sheegay inaanay wax doorasho ahi dhici doonin haddii aan muddada wakhtiga doorashada ka hadhsan  la helin raxmaadka Eebbe, isaga oo soo jeediyey in deeq-bixiyayaasha doorashada ku xiiqsani abaarta inaga caawiyaan,“Hadduu roobku intaas iman waayo, annagu dadkayaga meydkooda isku dulqabsan mayno iyo xoolahayaga, markaa sanadkan dib baanu u dhigi doonaa, markaanu aragno inay dadkayagu kasoo doogeen oo ay codka bixin karayaan oo ay kaadhadhka qaadan karayaan, ayaanu qabsan doonaan, deeq-bixiyayaashana waxanu leenahay abaartaanu maanta u baahanaye inaga caawiya oo dawladihiina u sheega,tanna dib inoogu dhiga, komishankunu shaqadiisa  ha inoo dhameeyo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha” ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali-waraabe.

Faysal oo su’aalo ka keenay hadal uu hoggaamiyaha WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan madasha ka jeediyey, waxana uu xusay inay indhihiisu wax arkeen markii uu mucaaridka noqday, waxana uu yidhi,“Xirsi aad baan usoo dhaweynayaa oo dadkeenu mucaaridka ayuu ku fiican yahayoo markuu xafiiska fadhiyo maskaxda badh baa ka tagta, talooyinka uu Xirsi maanta halkan ka sheegayo maalintii uu wasiirka madaxtooyada ahaa muu haynin.”

Dhinaca kale Ex. Wasiir Xirsi oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa ceeb ku tilmaamay in  dalku deris la noqdo cabasho salka ku hayso doorasho la’aan, isla-markaana aan xal waara weli la haynin, “Qaran ahaan reer Somaliland oo dhan ceeb bay inagu tahay inaan doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomin oo aynu qaban kari weyno oo intaynu fagaare isla nimaadno marba isweydiinno, Waxa ceeb inagu ah inay guurtidii 25-sanadood fadhido, oo baarlamaankii fadhiyo oo doorashooyinkii kalena dhawr jeer dib u dhaceen, imikana uu werwerkii jiro, markaa haddii ciddii la doortaaba ay meeshii ka kiciweydo ceeb bay inagu tahay” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Waxa uu intaas ku daray, mar uu ka hadlayey sida aan marnaba loo abaarin cidda canaanta leh,“Dib-u-dhaca doorashada waxa ku jirta ujeeddo siyaasadeed, waxa la isku qaldaa laba shay, haddii wakhtigii dhammaado oo ciddii wakhtigu ka dhammaaday ay meeshii fadhido oo cidda masuuliyadda leh la isweydiiyo, badanaaba ciddaas lama soo hadal qaadee waxa laga hadlaa haka kaco iyo kici maayo.”

Waxa uu soo jeediyey Xirsi in awoodda kordhinta doorashada laga xayuubiyo golaha guurtida, isla-markaana la diyaariyo xeer kordhinta iyo qiimaynta xaaladda doorashada hortaagan awood u siinaya guddida doorashooyinka,“Waxa dibudhaca doorashada sahlaya in hallaga kaco iyo maxaa loo qaban waayey la isku mashquuliyo, waxana muhiim ah inaynu doorashooyinka marka la qaban kari waayo inay farsamo ahaato oo aanay siyaaasad soo gudo gelin inaynu sharciyan wax ka beddelno, imika marka doorashada la qaban kari waayo waxa ay ka baxdaa ciddii shaqada lahayd oo ahayd komishankii doorashada iyo ciddii sugaysay oo axsaabtii ahayd, waxana ay gashaa faraha hay’ad kale oo Guurti la yidhaahdo oo iyagu awooddaas iska leh, awooddaasina waxa ay siinaysaa inay xooggooda sidii ay doonaan ka yeelaan, anigana waxa ay ila tahay dib udhacu waa arrin farsamee aynu farsamadeeda u dayno oo haddii dib u dhac yimaaddo sababtii ay doonto haku timaaddee aynu komishanka u dayno oo nidhaahno goormaad ku qaban karaysaan, qoddobka la odhanaya Guurtidu ha qiyaasaanna wax  hallaga beddelo oo xeer sharci oo fasiraya hallaga soo saaro” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.