Madaxweyne Siilaanyo oo Istiqaaladii ka Aqbalay Wasiir Ku-xigeenka Cusub ee Kalluumaysiga

0
967
Somaliland: Madaxweyne Silaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Dalka dib ugu Soo laabtay
Somaliland: Madaxweyne Silaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Dalka dib ugu Soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay istiqaaladii ka aqblay Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka baddaha, Cabdiqaadir Sh. Maxamed Warsame, oo ka cudurdaartay xilkaas loo magacaabay dhawaan.

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed caawa ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), waxaanu u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu ka aqbalay Istiqlaaladii uu u soo gudbiyey Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee uu Madaxweynuhu dhawaan xilkaa u magacaabay. Madaxweynuhu waxa uu (Insha Allah) dib ka soo magacaabi doonaa masuul ku habboon isla markaana hanan kara xilkaa Qaran.
Madaxweynuhu wuxuu Istiqlaalada masuulkaa kaga jawaabay sidan soo socota:-
Ku: Mudane, Cabdi-qaadir Sheekh Maxamuud Warsame
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
Og: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Ujeeddo: Aqbalaad Istiqlaalad Xilka Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Mudane,In muwaadinka loo magaacaabo xil qaran si uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu adeego waa sharaf iyo maamuus. Haddaba, aniga oo ka duulaya habsami u socodka hawlaha baaxadda leh ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda waxa soo dhaweynayaa cudurdaarka iyo go’aankaaga ah inaanad qaban karin xilkaa kor ku xusan. Sidaa darteed, mudane waan kaa aqbalay istiqlaaladda aad ii soo gudbisay waxaanan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.”