Cirro oo Bilaabay Qorshe uu ku Mijo-xaabinayo Xukuumadda Somaliland

0
955

Wuxuu Magacaabay Safiirka wareega ee Komishanka Midowga Yurub Iyo MFA/DANIDA, kaas oo qabanaya shaqadii dawladuhu qaban Jireen
? Guddoomiye Cirro wuxuu mar kale waxba kama Jiraan ka dhigay Guddoomiyenimadda Cabdiqaadir Jirde

Mulkiilaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa cagaha la galay fadeexad diblomaasiyadeed oo weyn, waxaanu magacaabay safiir wareega oo qabanaya qeybo ka mid ah shaqadii xukuumadda, gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda, waxaanay tallaabadani hordhac u tahay qorsheyaal sharci darro ah oo uu ku mijo-xaabinayo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro, waxa qoraal Ingiriisi ah oo uu shalay soo saaray ku magacaabay in Cabdirisaaq Axmed Faarax (Diinaari) uu noqdo Safiirka Wareega Komishanka midowga Yurub/MFA/DANIDA, taasi oo ah mid ka baxsan awoodaha xisbiyadda oo aan u magacaabi karin safiirro Hay’adaha dawliga ah iyo kuwo goboleedba.
Qoraalka Cirro oo DAWAN, soo turjumay, waxa kaloo lagu sheegay in safiirkaas uu magacaabay midowga Yurub ka shaqeyn doono la dagaalanka argagixisadda, budhcad-baddeeda iyo tahriibka. Isla markaana uu fududeyn doonno sidii ay u kordhin lahaayeen mucaawimadda ay siiyaan Somaliland.

“Anigoo ah Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaas, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaan awoodayda guddoomiyenimo iyo murrashaxnimaba jecelahay inaan ku magacaabo Cabdirisaaq Axmed Faarax (Diinaari) inuu noqdo safiirka wareega ee Komishanka Midowga Yurub (European Union Commission),MFA/DANIDA iyo UNECA,”ayuu ku yidhi Cabdiraxmaan Cirro qoraalkiisa ku sheegtay Guddoomiyenimadii xisbigaas ee uu sida ku-meelgaadhka ah ugu wareejiyay Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde.
Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu qoraalkiisa yidhi “Safiirku wuxuu kor u qaadi doonaa xidhiidhka xisbiga WADDANI la leeyahay dhinacyadda ay khusayso, si uu ula galo wadaxaajoodyo iyo heshiisyo isagoo metalaya xisbiga WADDANI si ay uga faa’iidaystaan dadka Jamhuuriyadda Somaliland.”
“Safiirkayagu wuxuu masuul ka yahay xoojinta iskaashiga aanu la leenahay dhinacyadda aanu hawl-wadaagta nahay iyo sii hagaajinta iskaashigeenna ku wajahan la dagaalanka argagixisadda, budhcad-baddeeda iyo tahriibka iyo inuu fududeeyo inaad kordhisaan taageerada aad siisaan dadkayaga si loo dhiso dawlad dimuqraadi ah oo ku dhaqanta sharciga iyo kala dambaynta.”

Magacaabistan ayaa ah fadeexad diblomaasiyadeed iyo jariimad culus oo Cirro ka galay dawladnimada Somaliland, waxaanay bilow u tahay ifafaalaha qorshe uu ku tallo-galay inuu sifo sharci darro ah ula wareego qeybo ka mid ah awoodaha dawladda Somaliland loo doortay. Waxa kaloo ay ka dhigan tahay inuu tallaabadan u qaaday si uu hay’adaha dunida uga helo dhaqaale lagu wado xisbigiisa.
Sidoo kalena, waxa qoraalkiisa uu mar kale dibadda u soo saaray in xilka gudoomiyenimadda ku-meel gaadhka ah ee uu ku wareejiyay Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde yahay mid barkuma taal ah maadaama oo uu wali sii sheeganayo guddoomiyenimadii xisbiga oo uu qoraalo badan oo uu soo saaray ku saxeexay.