“Xukuumadda Maanta Joogtaa (Daahir Rayaale) Ciidda Ayay Ka Badantahay, Laakiin Xisbiga KULMIYE Wuxuuu Soo Dhisayaa Xukuumad Kooban Oo Tayo Leh…”

0
853

Miliciga Ballan-qaadyadii Xilligii Uu Mucaaradka Ahaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo + Waxa Ka Rumoobay

Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markii uu mucaaridka ahaa waxaa uu xukuumaddii madaxwayne Daahir Rayaale ku dhaliili jiray Tirada Wasiirrada ku jiray xukuumaddii Xisbiga UDUB.

Madaxwayne Siilaanyo, waxaa uu shacabka Somaliland u ballanqaaday wakhtigii uu mucaaridka ahaa inuu soo dhisi doono dawlad kooban oo tayo leh, taasi oo sameeyay markii uu xilka ku guuleystay 28 July 2010kii,  laakiin ballanqaadkaasi Madaxwayne Siilaanyo waxaa uu noqday mid aan sidaasi ku sii socon iyadoo xukuumada Madaxwayne Siilaanyo imika hoggaamiyo ku soo laban laabmaysa xukuumadihii hore ee soo maray Somaliland.

“Xukuumadda maanta Joogta (Xukuumaddii Daahir Rayaale) Ciiddaasi ayay ka badantahay.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Siilaanyo oo xilligii lagu jiray ololaha doorashadiisa la hadlayey taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, waxaanu intaa ku daray, “Xisbiga Kulmiye waxaa uu soo dhisaysaa Xukuumad kooban oo tayo leh”

Madaxwayne Siilaanyo oo habeen hore isku shaandheyntiisii ugu dambaysay soo saaray waxaa uu ku magacaabay xubnihii ugu badnaa ee xukuumaddiisa ka mid noqday, iyadoo xukuumadda madaxwayne Siilaanyo noqonaysa Xukuumaddii ugu tirada badnayd ee Soo marta tan iyo markii ay Somaliland lasoo noqotay Xornimadeeda.

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaa uu aad u dhaliili jiray Madaxwayneyaashii ka horreeyay, kuwaasi oo uu Xukuumadahooda  ku eedeyn jiray inay hayaan maamul fara badan oo waxba aan ummadda u qabanayn, wallow rabitaankiisii iyo ballan-qaadyadii wakhtigaa aanay wax muuqdaa ka hirgelin.