Xildhibaankii Ugu Horeeyey Ee Matali Doona Gobalada Waqooyi Oo Ku Guuleystay Kurisga Aqalka Sare + Magaciisa Iyo Codadka Uu Helay

0
927

Mid ka mid ah musharaxiintii u tartamaayey xubnaha aqalka sare ee dalka Somaliya ayaa hada ku guuleystay kursigii ugu horeeyey

Musharaxan ayaa ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib waxaana u goor dhoweyd ku guuleystay Kursigii u horeeyay ee Aqalka Hoose xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, kaddib doorasho ka dhacday Xarunta Gaadiidka Booliska.

Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa helay 47 cod, halka Musharax la tartamayay Axmed Ismaaciil Xuseen uu helay 4 cod.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo sheegay inay dhacday doorasho hufan.

Maxamed Cumar Carte oo ka hadlay guushii uu gaadhay waxaana uu u mahad ergooyinka doortay, waxaana uu ammaan u jeediyay howsha ay hayaan guddiga doorashooyinka iyo Ciidamada Amniga.

carte

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa sheegay in doorashada xubnaha ka soo jeeda Somaliland lagu qabanayo Xarunta Gaadiidka Booliska, isagoo si kulul uga jawaabay hadalkii Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ee ahaa in Xalane lagu qabto.