Cali Waran-cadde Muxuu Ka Yidhi Xilka Cusub Ee Madaxweynuhu U Magacaabay ?

0
917

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo Madaxweyne Siilaanyo habeen hore u Magacaabay la taliyihiisa gaarka ah, ka dib markii uu diiday Safiirka Itoobiya oo Madaxweynuhu hore ugu Magacaabay.

Cali Maxamed Waran-cadde oo Maanta la hadlay Saxaafadda, ayaa isagoo daba socda Warar sheegayey inuu diiday xilka la taliyaha gaarka ah ee Madaxweynuhu u Magacaabay, wuxuu sheegay inuu Madaxweynaha la qaatay Xilka cusub ee uu u Magacaabay, “Madaxweynuhu wuxuu ii Magacaabay La Taliyihiisa gaarka ah, kaasi oo ah Xil ku cusub Dawladdeena, muhiimaddiisa iyo Awooddiisana leh, Arrintaasna waan la qaatay Madaxweynaha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey sababta uu markii hore u diiday inuu noqdo Safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya, “Markii hore wuxuu Madaxweynuhu ii Magacaabay Safiirka Itoobiya oo aan Anigu doortay, imikana waxa la ii Magacaabay inaan noqdo La Taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, markaa waxaan leeyahay tan (Xilkan) baa ka wada muhiimsan wixii hore.”

Cali Waran-cadde, ayaa noqonaya La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland.

Xilka La Taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha waxa hore u ahaa Dr. Cumar Cilmi Dixood oo Geeriyooday Horraantii Sannadkan.