Madaxweyne Siilaanyo oo caawa Istiqaaladii ka aqbalay Tiimbaro

0
945
Madaxweyne Siilaanyo oo caawa Istiqaaladii ka aqbalay Tiimbaro
Madaxweyne Siilaanyo oo caawa Istiqaaladii ka aqbalay Tiimbaro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee xalay la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon.
Waxaanu Madaxweynuhu kaga jawaabay Istiqaaladaas sidan:-
Ujeeddo: Aqbalaad Istiqaalad
Ku: Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro)
Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa
Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa

Mudane, Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada. Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.”
ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.