Xisbiga WADDANI Oo Isugu Habar-wacday Ka-jawaabidda Shirkii Madaxweynuhu Burco Kaga Qaybgalay Iyo Weedhihii Samsam Oo Dhimbiil Dab ah Ku Noqday

0
987
Xisbiga WADDANI Oo Isugu Habar-wacday Ka-jawaabidda Shirkii Madaxweynuhu Burco Kaga Qaybgalay Iyo Weedhihii Samsam Oo Dhimbiil Dab ah Ku Noqday
Xisbiga WADDANI Oo Isugu Habar-wacday Ka-jawaabidda Shirkii Madaxweynuhu Burco Kaga Qaybgalay Iyo Weedhihii Samsam Oo Dhimbiil Dab ah Ku Noqday

WADDANI  Oo Col Hortii Sii Jabay Iyo Xubno Ku Abtirsada Oo Saf Dheer Usoo   Galay Ciidaynta Taageerada Xisbiga KULMIYE

img_1727

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa isagu habar wacday u  dhaleecaynta shirkii uu dhawaan madaxweynuhu kaga qaybgalay magaalada Burco iyo weliba ka jawaabista hadallo ay wasiirka maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan ay isla shirkaas ka jeedisay.

Ilaa iyo intii uu soo dhammaaday shirkii uu madaxweyne Siilaanyo magaalada Burco kula qaatay waxgaradka iyo cuqaasha kasoo jeedda beesha Gaashaan-buur Axmed Faarax, waxa uu xisbiga WADDANI ka gam’I waayey taageeradii ay beeshaasi u muujisay murrashaxa xisbiga KULMIYE, waxana isaga oo oodihiisii wata uu labadii maalmood ee ugu dambeeyey warbaahinta la taagnaa eedo uu shirkaas u jeedinayey, waxana uu si gaar ah u weerarayey wasiirka maaliyadda oo iyadu halkaas hadallo ka jeedisay.

Xubnaha safka u soo galay inay shirkaas eedo u jeediyaan, ayaa waxa kamid ahaa ex. Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan,Ex. Wasiir Duur, Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi(xmarji), Xoghaye Uurcadde, Cabdi Haybe, Siciid Sulub iyo weliba qaar kale oo badan, waxana ay dhammaantood si isku mid ah dhaliilo aan qodobaysnayn ugu jeediyey shirkaas, waxana ay madaxweynaha ku tilmaameen shakhsi qalad weyn umadda ka galay.

Xubnahani waxa ay luuqad adag oo ka baxsan milgaha iyo dhaqanka suuban ee umaddu leedahay kula hadleen haweenayda wasiirka ah maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu shirkaas madaxweynuhu fadhiyey hadallo ay dhinacydii ku sugnaa  ku hogo tusaalaynaysay sidii ay cod midaysan mustaqbalka ugu soo saari lahaayeen murrashax Muuse Biixi Cabdi oo isagu ka sharraxan xisbbiga KULMIYE.

Inkasta oo aan weli olole dalkaba ka bilaabin, haddana xisbiga WADDANI waxa uu u muuqdaa mid intaas la is gaadhin isa sii dhiibaya oo calaacalaya, waxana ay indhaha ka qarsanayaan xuquuqda uu madaxweynuhu u leeyahay inuu murrashaxa xisbigiisa gacan siin karo.

Shirka xisbiga WADDANI sida fiinta uga qayliyey, ayaa taageerada guddoomiye Muuse Biixi iyo xisbiga KULMIYE diiradda lagu saarayey, waxana uu madaxweynuhu bulshadii kasoo qayb gashay ku dhiirrigeliyey inay codkooda la ogaadaan murrashaxa KULMIYE uu u gartay inuu dalka dabadii hoggaamiyo.