Khubaro Guddida Doorashooyinka Kala Shaqayn Doona Daabacaadda Kaadhadhka Cob-bixiyayaasha Oo Dalka Soo Gaadhay

0
971

Khubaro ajaanib ah oo ka hawlgeli doona daabacaadda kaadhadhka cod-bixiyayaasha, ayaa maalintii shalay kasoo degey magaalada Hargeysa, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay saddex nin.

Khubaradan oo kasoo degay garoonka Cigaal International Airport, ayaa komishanka doorashooyinka kala shaqayn doona nashqadaynta iyo daabacadda kaadhadhka codbixiyayaasha oo agabkii lagu daabaci lahaa dhawaan dalka yimi, waxana hawshan ka caawinaysa hay’adda Creative associates oo dalka maraykanka  kasoo jeedda.

Khubaradani waxa ay hawshooda geli doonaan maalmaha soo socda, waxana ay talooyin iyo tusaaleba ku kordhin doonaan, isla-markaana dedejin doonaan daabacaadda kaadhadhka cod-bixiyayaasha oo fure u noqon doona doorashooyinka soo socda.

Dhawaan ayey soo degeen agabkii daabacayey kaadhadhka diiwaangelinta codbixiyayaasha, kuwaas oo dalka faransiiska laga soo iibiyey, waxana la filayaa inay bilaha soo socda soo bixi doonaan kaadhadhka ay dadweynaha is-diiwaangeliyey kaga qayb qaadan doonaan doorashada dalka ka qorshaysan 27-ka bisha March ee sanadka soo socda.