“Ganacsatadu ha u Soo Jeedsadaan Maalgashiga Khayraadka Biyaha

0
1009
“Ganacsatadu ha u Soo Jeedsadaan Maalgashiga Khayraadka Biyaha
“Ganacsatadu ha u Soo Jeedsadaan Maalgashiga Khayraadka Biyaha

Wasiirka wasaaradda kalumaysiga iyo khayraadka baddaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa shalay furay wejiga labaad ee barnaamijka kordhinta isticmaalka kalluunka oo ay soo qaban qaabisay shirkadda wadaniga ah ee ka shaqaysa arrimaha kalluumaysiga Pontus Marine. Wasiirka oo munaasibadii furitaanka hadal ka jeediyay ayaa ugu baaqay ganacsatada dalka in ay bulshada uga faa’iideeyaan khayraadka ku jira baddaha iyo kalluumaysiga.

Isagoo xusay in ay ka wasaarad ahaan ay kala shaqaynayaan shirkadda Pontus Marine hirgelinta barnaamijkani. Wasiirku waxa uu sheegay in abaaraha badan ee soo noq-noqday ay ku dhamaadeen xoolihii ay Somaliland qaniga ku ahayd, sidaas darteed-na bulshadda hadda looga baahan yahay in loo soo jeesto ama loo leexdo dhinaca badaha iyo kalluumaysiga.

Isagoo xusay in ay jiraan shirkado ay leeyihiin dad muwaadinin ah oo joojiyay hawlo kalluumaysi oo ay dalka ka wadeen. Waxaanu yidhi “Diyaar ayaanu u nahay, waanan garab taaganahay in aan la shaqayno shirkadda Pontus Marine iyo sidii uu barnaamijkoodu u hirgeli lahaa. Marar badan ayaanu ku soo cel-celinaa in aanay ganacsatadu ku koobnaan waxyaabaha ay dibada ka keenaan oo keliya.

Barwaaqada baddaha ku jirtaa waa mid ka balaadhan ta berriga ku jirta, laakiin illaa hadda way yar tahay cid ku dhirataa. Shirkado yar-yar ayaa yimid dalka oo u badnaa dad qurbaha ka yimi oo aad isu xil qaamay niyadna u hayay. Markaa sida ay ku soo galeen iyo farsamadi ayaa wax ka yara xumaadeen, markaa way jiraan dhawr shirkadood oo badda ka baxay. shirkada Puntus marine iyo dhawr kalaa jira ee shirkadahaas kale sababahaas ayay hawlihi u si wadi waayeen.”

“Dhulkeenna abaaro badan baa ka jira, xoolihiina intoodii badnayd dadki way ka baxday, hadana dadkii baa halis ku jira inay gaajo u dhammaadaan. Marakaa baddaa dheerna waynu haysanaa.

Haddii dhaqaaleheena iyo badeeana aynu is tusno ganacsatadeenu dhaqaale way ka heli lahaayeen, nolosheenu sidan way ka fiicnaan lahayd shaqo-na waa laga helayaa dadka kale ee ka faa’iidaysanayaa-na meesha way ka bixi lahayd,” ayuu yidhi wasiir Buureed. Geesta kale Wasiir Buureed waxa uu sheegay in ay samaynayaan meelo badan oo ay dhigi doonaan qaboojiyeyaal se loo baahan yahay in ganacsatadu ummadda uga faa’iideeyaan. Waxaanu tidhi “Waxaanu dhisaynaa meelo la dhigi doono qaboojiyeyaal, hay’addaha goobahaas qaboojiyeyaasha la dhigi doono, Merfishing meel bay dhisaysaa, mashuuca SDF (Sanduuqa horumarinta Somaliland) meel buu dhisayaa.”

Dhinaca kale wasiirka shaqada iyo arrimaha bulashad Cumar Sh. Maxamed Faarax oo isna munaasibadaasi ka hadlay waxa uu sheegay in uu jaamacdaha dalka kala hadlay in ay furaan kuliyado farsamo, si shaqo la’aanta wax loga qabto.Waxaanu yidhi “Jaamacadaha shalay (doraad) ayaanu wada hadlaynay, waxaana ku idhi fura qaybo farsamo, sida ta barashada ka faa’iidaysiga khayraadka badda, si ay dadkeenu u noqdaan qaar leh xirfado ay ku xoogsadaan.” Ugu danbayn munaasibadii furitaanka wejiga labaad ee ay shirkadda Pontus Marine ku soo bandhigaysay kordhinta isticmaalka kalluunka oo shalay ka qabsoontay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay Wasiirro, ganacsato, masuuliyiinta shirkadda Pontus Marine iyo dadweyne kale.