Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI oo Si Adag u Duray Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE

0
1145

-Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ba ku dhalliilay in ay gurmadkii loo fidinaayey dadka abaarahu saameeyeen ee Somaliland loo bedelay olole siyaasaddeed isla mar ahaantaana uu aad uga xun yahay maadaama wakhti adag oo abaareed lagu jiro, waxaana uu ku goodiyey in haddii ba ay olole siyaasaddeed iyo mid doorasha ba ay noqoto aanay jirin cid cod ahaan kaga badin karta deegaanada bariga Somaliland.

Md.Xirsi Cali X.Xasan, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay la hadlaayey qaar ka mid ah Warbaahinta, waxaana uu tilmaamay in dalka ay ka jiraan abaaro adag oo u baahan in si wada jir ah looggu gurmado inta laga foggaado ololeyaasha siyaasadda iyo danaha gaarka ah, sida oo kale na la isku duubnaado Qaran ahaan isla mar ahaantaana aan la joogin wakhti la isu kala saar saaro Mucaarad iyo Muxaafad toona.

“Waxaa dalka ka Jira abaar kulul oo halakaysay dad iyo xoolaba waxaanan islahaa qaranku dhibta jirta wadajir haku qaabilo balse qolada Kulmiye iyo Wasiirada aan ogayn ee ololaha ku jira waxaan leeyahay waa inoo barwaaqada iyo miidaanka tartanka. Safarkii dheeraa ee aanu galnay ka Xisbi ahaan aanu u gurmanaynay abaaaraha aanu ugu kuur gelaynay dadkeena dhibaataysan ee tabaalaysan, Waxaanu soo marnay dal aad u badan oo ah gobolada bariga saddexda gobo ee bariga badankooda in badan baanu marnay inakastoo Area Laascaanood in badani nooga hadhsan tahay oo anan marin. Dad dhibaato aad u badani ku dhacday oo Abaar aad u culusi ku dhacday weeye Biyo-la’aan, Baad-la’aan iyo dadka laftiisa oo markii xoolihii caatoobeen weydoobeen waxay ka cunaan iyo waxay kala soo baxaanba waayeen noloshu runtii aad ugu adagtahay, waxa intii aanu maraynay arkaynay duruufo aad u kala duwan oo miyi iyo magaalaba saamayn ku leh, waxaa xusid mudan waxay dadku u baahan yihiin markay Abaaraha noocan oo kale ahi dhacaan Levels kala duwan ama wax kala hooseeya oo kala sareeya, marka hore maxaa lagu qaabilayaa qofka Emergency ayuu u baahan yahay ama deg deg uu u helo cunto hadii qofkii oo baahan oo cadilan Joonyad la dul dhigo waxaa laga yaaba inaanu ka faaidaysan oo aanu karsan karayn oo qofkii oo baahan Emergency ga ama deg dega waxa loogu keena dee wakhti dheer waari maysee waxay u baahan yihiin cuntadii kale, marka xigta waxay u baahan yihiin biyaha dhibaatada aad u weyne ee dhacday waxaa weeye meela qaarkood sida meesha la yidhaahdo Carmala iyo Yube oo laba Riig lahayd Ceerigaabo barigeeda ah laakiin dhibaatada u weyne waxaa weeye Laba Riig oo biyo ah baa biyihii kasoo burqanayaan hadana dadkii way nafaysan yihiin iyo Xoolihiiba Awrtii baan dhaminayn ama Xoolihii baan aroori karayn oo gaadhayn meeshii ay biyaha u doonan lahaayeen , kuwa biyaha haysta mooyee waxaa jira kuwo aan iyagu biyaba haysan oo biyuhu meel for u jiraan oo aan gaadhayn oo dhib weyni haysato.”.Ayuu yidhi Xirsi Cali X.Xasan

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yidhi:”Waxaa jirta gurmadka aanu gurnaday ee Xisbiga(Wadani), Dawladda iyo Gudiga Abaaruhuba sameyeen waxaa dedaal lagu jiray in la gurmado, waxaan isleeyahay waxyaabaha kasoo baxayey gurmadka aanu gurmanay gol daloolooyinka noo soo baxayey waxaa ka mid ahaa waxaa laga yaabaa in meel 500 oo Kiish la keeno la yidhaahdo reer reer baa loo qeybinayaa ama Madax ka kow baa loo qeybinayaa saami sidii dadku dhaxalka u qeybsan jireen aad moodo in loo qeybsanayo, waxaa laga yaabaa 1000-ka qoys ee halkaa yaala inaanay wada baahnayn, waxaana ay ahayd in laga jawaabo dadka baahan ee cadilan ee Foqorada ah, markaa waxay u baahnayd in si dhugleh oo hoose loo sameeyo oo isleeyahay runtii waxay ahayd in maamulka dawladd ahaan inoo dhisan ee jooga isagu Levels kiisii kala duwaan kasoo waramo kuna fuliyo ama Gudiga Abaaruhu samayso jaranjaro ay u isticmaasho in qof baahan la gaadho.”.

Md.Xirsi, waxa kale oo uu ka hadlay shir beelaysan oo siyaasiyiin dano gaar ah u ma leegeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

“Cida Burco ku shirinaysay Odayaal baan arkaayey Saxaafadda qaarkoodna lahaa reer fulaan baa la shiriyey iyo reer fulaan baa la qabsaday, manta inaan dadkeena u gurmano oo baahidooda eegno baa loo baahan yahay, maanta tartanku ma yaalo gumarbaa yaala gurmaka Abaaraha yaala Odayaal hadaad u yeedho dhiban oo dhibtaasi hayso aad tidhaahdo kaalay oo hawshan ila qabta waxaa laga yaaba inay Xishood iyo Ixtiraam ay samaynayyeen aanay kolayba hadal qadafle odhan, waana ku mahadsanyihiin hadaladooda , waayeelka iyo waxgaradku wixii ay ku hadleen laakiin waxaan leeyahay Maanta tartan ma yaale gurmad baa yaala dadkaynu u gurmanaynaa inagoo isku duuban oo aan kala lahayn Dawladd iyo shicib kala lahayn oo Mucaarad iyo Muxaafid kala lahayn, Maalintaynu dadka u gurmao ee ka saarno Barwaaqadaynu tartami doonaa nin walowba waa wixii kaaga soo baxa Lagu tartami mayo Burco keliyee Burco iyo Somaliland oo dhan baa lagu tartamayaa Burcana ninkii igaga badin doonaa maalintaasuu iman doonaa Insha allaahu tacalaa, Kalsooni baan isku qabaa 100% Insha allaah tacaalaa waa se tartami doonaa maanta waxba kasii horaysiin maayee waa inoo barwaaqada.”.

Hoggaamiyaha WADDANI, waxa kale oo uu si adag iskaga foggeeyey eedeymo ay mad-madow uga dhigayeen qaar ka mid ah wasiirada Xukuumadda Siilaanyo oo sheegay in uu lacag deyn ah kaga tegay dhismaha wadada Ceerigaabo, waxaana uu  sheegay in haba-yaraatee aanay jirin wax deyn ah oo uu ka tagay isaga oo su’aal geliyey sababta kaliftay in mudadaas dheer ee uu xilka ka sii maqnaa loo qarinayey haddii ba uu ka tegay deyn lacageed.

“Wasiirka sheegay shanta milyan ee daynta ah, ee yidhi waan qarinayay!!! Oo adeer maxaad u qarinaysay hadii hanti qaran maqantahay ma tuug baad tahay?Shan Milyan baa lagaga tegay meesha la yidhaahdo Hawlaha Guud iyo Waddooyinka, ninkaa taleefoonka igu waydiiyey kolay habeen hore markaan soo socday waxaan ku idhi annigu Wasiirkaa ismanan arag oo wax manan la kala wareegin Wasiirka Madaxtooyaddan ku wareejiyey ha yeeshee, wixii aan ku wareejiyey Wadada Ceerigbo may ahayne Wadooyinka oo dhan bay ahaayeen Wadooyinkana dalka waxaa ka soconayey ilaa 11-Waddo ayaa wax soconayey iyo wax dhamaaday ahaa, waxaa laga yaabaa qofku inuu Fogoska uun saaro malaa dayntaa ku cuslayd saaxiibkay tii uun buu malaha is yidhi ka dhig musuq maasuq deynta iyo musuq maasuqna waa kala gaar, waxaan sheegayaa Daamurka oo kale oo uu sheegay daamurkii lama bixin waa been wax alla wax ka jiraa ma jiraan Daamurkii waxaa ka hadhsanaa 1.7 Milyan Dollar wuxuu ahaa Saddex Milyan iyo goo gogo waa markabkii danbe Markabkii horena shilinba kamuu ool, waxaana la waydiin karaa xafiiskiina wuu furan yahay Shirkadii keentayna ee laga iibiyeyna waa furan tahay markaa cadaynteeda idinku Saxaafad ahaan waad soo baadhan kartaan, Daamurkii labaad aanu keenay oo aanu Laba Milyan iyo xoogaa ka bixinay Milyan iyo Todoba boqol baa ka dhinaa Malyan iyo Todobadaa boqolna Bajetkay ku jireen may ahayn Lacag hawo ah oo layska amaahday, Amaah iyo Amaamud Wadada wixii aanu helo waan waday hadii se $10 laga soo helo Xirsibaa qaatay maalin xitaa gaadhigiisuu Shidaal kaga shubtay Beenaalaan ahay.”.Ayuu yidhi Md.Xiri Cali X.Xasan

Ugu dambeyntii Md.Xirsi, waxa kale oo uu meesha ka saaray in ay wax kulamo ah oo qarsoodiya ay wada yeesheen Guddoomiyahii hore ee gobalka Banaadir ee dalka Somaliya Md.Tarsan

“Ninka Xamar ka hadlay ee Tarsan la yidhaahdo weligayo shakhsi ahaan umaanu kulmin balse waxaanu kulanay wefti uu ka mid ahaa. Waxaanu diyaarinaynay kulankii ugu horeeyay ee ka dhacay London kaana wixii kasoo baxay waa qoranyihiin oo qarsoodi maaha. Dibna umaanu kulmin horena umaanu kulmin weligayana Soomaaliweyn iyo midnimo kamaanu wada hadal.”.

Joe Holmes, oo ay Axiom u xil saartay yagleelida nidaamkan cusub, ayaa isna sheegay, in uu nidaamkan caawin doono Soomaalilaan “ sidii ay ula mid noqon lahayd ama ugaba horayn lahayd dhanka maamulka gal-dacwadeedka wadamada Bariga Afika.” “ Waa talaabo aad u weyn oo lagaga guurayo nidaamka haatan jira.”