Wasaaradda Kalluumaysiga Oo Heshiis Dhinaca Horumarinta ah La Saxeexatay Shirkad Kalluumaysi

0
855
Wasaaradda Kalluumaysiga Oo Heshiis Dhinaca Horumarinta ah La Saxeexatay Shirkad Kalluumaysi
Wasaaradda Kalluumaysiga Oo Heshiis Dhinaca Horumarinta ah La Saxeexatay Shirkad Kalluumaysi

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Somaliland, ayaa heshiis la gashay shirkadda arrimaha horumarinta Horumarinta kalluumaysiga ka shaqaysa oo lagu magacaabo Somaliland Fire Fishing.

Munaasibadda heshiiskan lagu kala saxeexanayey oo lagu qabtay xarunta wasaaradda, ayaa waxa kasoo qaybgalay Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Md. Cali Jaamac Buureed, agaasimihiisa guud, Md. Fu’aad Cabdisalaan iyo weliba masuuliyiin kala duwan oo shirkadda Somaliland Fire Fishing katirsan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo mahadnaq iyo dardargelinta ama hirgelinta heshiiskaas la xidhiidha.

Wasiir Cali Jaamac Buureed oo isagu munaasibaddan daah-furay, ayaa faahfaahiyey heshiiska ay la galeen shirkaddan, ayaa waxa hadalladiisii kamid ahaa, “waxanu rajaynaynaa inuu mashruucani wax ka beddeli doono nolosha dadka, dadkeenana waxa dhib ku ah wixii ay wax ku qaboojisan lahaayeen, waxana aanu xoogga saarnay in marka hore goobaha magalooyinka sida, Lug-haya, Saylac, Bulla-xaar iyo Berbera-ba laga sameeyo xarun weyn oo qalabka lagu dayactira, mashruucanina waxa uu sahli doonaa in dad badani ka faa’iidaystaan inay badda ka kalluumaystaan.”

Agaasime Fu’aad Cabdi-salaan oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u ammaanay heshiiska ay wasaaraddiisu ku dhiirratay, waxana uu hoosta ka xarriiqay in dhawaan la arki doono midhaha uu heshiiskaasi soo saaro.

Qaar kamid ah masuuliyiinta shirkadda Somaliland Fire Fishing oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey heshiiskaas, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay ku dedaali doonaan sidii uu heshiiskaasi u noqon lahaa mid umaddu ka faa’iiddo, isla-markaana wax weyn ka tara baahiyaha dhinaca kalluumaysiga ee dalka ka jira.