Siyaasi Lix Sano Oo Uu Wasiir Ahaa Aan Hal Eray U Odhan Qaran-Nimada Somaliland Oo Xukuumadda Ku Canaantay Imaanshaha General Galaal

0
880
Siyaasi Lix Sano Oo Uu Wasiir Ahaa Aan Hal Eray U Odhan Qaran-Nimada Somaliland Oo Xukuumadda Ku Canaantay Imaanshaha General Galaal
Siyaasi Lix Sano Oo Uu Wasiir Ahaa Aan Hal Eray U Odhan Qaran-Nimada Somaliland Oo Xukuumadda Ku Canaantay Imaanshaha General Galaal

Wasiirkii hore ee wasaaradda Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md. Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo haatan katirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa xukuumadda ku dhaliilay inaanay wax tallaabo ah ka qaadin taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya General Maxamed Nuur Galaal oo in muddo ahba ku sugnaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Ex. Wasiir Cabdirisaaq Khaliif oo xubin ka ahaa wasiirradii xilalkooga uga dareeray Xirsi dartii, isla-markaana muddo lix sano ahayd oo uu xilka wasaarad muhiim ah hayey aan weligii la ku dhiirran inuu qaranimada difaaco ama uu cadow shisheeye ah u jawaabo, ayaa haatan oo uu xukuumadda dibadda ka joogo joogitaanka General Galaal ku tilmaamay mid meel-ka-dhac ku ah qarranimada oo aan loo dulqaadan Karin.

Mudane Khaliif waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay xoogeeda iskugu geyso muwaadiniinta dalka u dhashay ee mabda’a kale aaminsan, balse aanay dhinacooda eegaynin ragga sida cad uga soo horjeeda qaranka ee aan dhalasho ahaan somalilland u dhalan.

Cabdirisaaq Khaliif oo ay saaxiib dhaw yihiin wasiirkii hore ee madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaan weligii goob fagaare ah lagu arag isaga oo arrimo qaranimada la xidhiidha ka hadlaya, waxana muddadii uu xilka wasiirnimo hayey ku hawllanaa sidii uu lacago  iyo maal uu uga urursan lahaa dalka, isaga oo umuuqdan jirey shakhsi jiritaanka Somaliland aan aaminsanayn balse u soo shaqo tegay oo ka shaqaysanaya.

Shakiga laga qabay inuu Cabdirisaaq Khaliif Aaminaa jiritaanka Somaliland oo bulshada inteeda badan ku faaftay, ayaa keentay inuu cadho ka qaado su’aalo arrintaas la xidhiidha oo ay saxaafaddu weydiisay xilli ay fursad u heshay, taas oo marag ka noqotay sida aanu daacad uga ahayn jiritaanka Qarankan uu muddada ka dhex shaqaysanayey.

Muddadii uu Cabdirisaaq Khaliif xukuumadda katirsanaa waxa jirtey baylaho badan oo dhinaca bariga dalka ka jirey iyo weliba daan-daansi uu cadowga Somaliland ka waday gobollada bariga dalka oo uu dhalasho ahaan kasoo jeedo, balse waa lagala quustay inuu xataa hal mar jawaab siiyo cadowgaas gardarrada waday.

Lama garan karo waxa iska beddelay aragtidii mugdigu jirey ee Cabdirisaaq Khaliif xiilligan uu mucaaridka noqday, balse waa markii ugu horraysay ee uu afkiisa kaga dhawaaqo erayo uu qarranimada Somaliland kaga hadlayo, inkasta oo aanu difaacaynin balse uu cid kale difaaceeda ku canaananayo.