Badhasaab Qabo Oo Lagu Eedeeyey Inuu Ka Gaabiyey Wax U Qabashada Deegaanka Beer Ee Gobolka Togdheer

0
1058
Badhasaab Qabo Oo Lagu Eedeeyey Inuu Ka Gaabiyey Wax U Qabashada Deegaanka Beer Ee Gobolka Togdheer
Badhasaab Qabo Oo Lagu Eedeeyey Inuu Ka Gaabiyey Wax U Qabashada Deegaanka Beer Ee Gobolka Togdheer

Odayaasha, waxgaradka, haweenka, dhalinyarada iyo dad-weynaha ku dhaqan deegaanka Beer oo dhinaca bari kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa cabasho ba,an ka miihjiyey badhasaabka gobolka iyo gudida abaaraha gobolkaa oo ay sheegen in aanay si cadaalada u maamulin deeqaha loogu talo galay dadka abaartu ku dhaufatay ee ku dhaqan gobolada bariga Somaliland.

Dadkani waxa ay cabasho badan ka muujiyeen hagrasho ka muuqata maamulka gobolka Togdheer, waxana ay shaaciyeen inaan dad kusoo ururay deegaankaas, kuwaas oo kasoo barakacay dhul kala duwan oo ay abaartu saamayn ballaadhan ku yeelatay.

Waxa ay dadkani ku eedeeyeen badhasaabka gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Qabo inuu ka cago-jiiday cabashooyinkii ay uu soo gudbiyeen dadka ka soo jeeda degaanka Beer isla markaasina uu ka dhego adaygay cabashooyinkaasi oo aanu wax jawaab ah ilaa iyo haatan ka bixin.

sidoo kalena waxay madaxwaynaha jamhuriyada somaliland ugu baaqeen in uu wax ka qabto adeegyada arimaha bulshada oo ay kamid yihin xarun caafimaad, ceel biyood iyo goobo waxbarasho oo ay ka faaidaystaan da’yarta soo koraysa ee ku dhaqan degaanka Beer sidoo kalena waxay madaxwayanaha somaliland gudida abaaraha iyo hay’ada caalamiga ahba ka codsaeen in lala soo gaadho caawimooyin deg dega.

Deegaanka Beer caan ku ahaa cawska beeraha waawayn ayaa waxaa gabi ahaanba galaafatay abaarta baahsan ee ku dhufatay gobolada bari ee Somaliland inta badan xooilihi ay haysteen xoolo dhaqatada ku nool degaanka Beer ayaa ah qaar bakhtiyey iyo qaar uu baahan biyo iyo  baad ay cunaan

qaar ka mida xolo dhaqantada degaanka beer oo noo sheegay in xoolihii ay haysten badankoodi madheen ayaa xukumada somaliland ka codsay gar gaar deg dega waxaana degaanka Beer lagu arkaayey gaadiid tiro badan oo daabulaya dadka xooluhu ka baxeen ee doonaya inay u guuran meel ay ka helaan caws iyo biyo, kuwaas oo  loo daabulayo deegaano ka mida gobolada galbedka Somaliland.