“Wada-Hadalladii Somaliland & Soomaaliya Aniga Ayaa Bilaabay, Waxaana Iiga Markhaati Ah XIRSI Oo Kamid Ahaa Guddidii Aanu Sir Ahaan Si Hoose Isu Arki Jirnay”

0
780

Sarkaal Tiir-Dhexaad U Ahaa Wada-Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Shaaciyey Fadeexado Midnimo Soomaaliweyn Ku Salaysnaa Oo Ex. Wasiir Xirsi Hoosta Ku Watay.

Duqii hore ee gobolka Banaadir u qaabilsanaa dawladda federal-ka ee Somaliya  Md. Maxamed Axmed Nuur Tarsan, ayaa bannaanka soo dhigay shirqoollo lagu sadqaynayey qaran-nimada Somaliland oo uu si hoose ugu hawllanaa wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland, haatanna ah hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Taran oo haatan kamid ah murrashixiinta madaxtinimada ugu tartamaysa dalka Soomaaliya, ayaa waraysi uu siiyey telefishanka Kalsantv, waxa uu ku  faahfaahiyey siro qarsoodi ahaa oo ku dhex lammaanaa bilowga wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somaliya oo uu qayb ka ahaa, kuwaas oo si qarsoodi ah loogu minjo-xaabinayey gooni isu taagga umadda reer Somaliland.

Tarsan waxa uu hoosta ka xarriiqay inay jireen kulamo qarsoodi ahaa oo labada dhinac dhexmari jirey  ka  hor intii aan sida rasmiga ah loo shaacin wada-hadalladaas, kuwaas uu hoggaamiye Xirsi hormood ka ahaan jirey,“Anigaa bilaabay wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somalilnad, waxana markhaati iiga ah Xirsi oo kamid ahaa guddigii aanu sir ahaan si hoose isugu arki jirney intii aan la shaacin arrinka” ayuu yidhi Maxamed Axmed Nuur Tarsan.

Isaga oo hadalkiisa sii wata hadalkiisa, ayaa sharraxay nidaamkii hor dhaca ahaa ee wada-hadallaasi u bilaabmeen, waxana uu yidhi,“Anigaa allifay oo laba oday baan u direy waqooyiga, way soo noqdeen oo rag odayaal ah bay isa soo arkeen, haddana laba kale ayaan u direy oo kasoo laabtay, markii dambe ayaan waftigii abaaraha raaciyey laba qof, markaana Sheekh Shariif iyo Siilaanyo ayaa wada-hadlay.”

Maxamed Axmed Nuur Tarsan waxa uu shaaca ka qaaday in hoggaamiyaha WADDANI oo hore u ahaan jirey wasiirka madaxtooyadu uu ogolaa inay labada dhinac dib u midoobaan, balse kaliya la isku khilaafsanaa muddada dib la iskugu soo noqonayo,“Xirsi intii aanu wada-hadlaynay arrimaha aanu soo jeedinay waxa kamid ahayd waar muddo halaysku soo celiyo waddankee sidiina ahaada oo madaxweynihiina doorta oo sidiina isu maamula, laakiin muddo kadib Soomaalinimadu hasoo noqoto” ayuu yidhi Maxamed Axmed Nuur Tarsan.

Waxa uu intaas ku daray,“Muddada waanu isku khilaafsanayn oo iyagu waxay lahaayeen 10-sano, annaguna waxanu lahayn 3-sano.”

Dhinaca kalena guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir waxa uu beeniyey cadadka lacag ay Somaliland sanadkii 2011-kii ku wareejisay dhiggeeda Somaliya oo xilligaas abaar baahsani ka jirtey, taas oo bulshada reer Somaliland ugu calaamadsan inay ahayd Hal milyan oo dollar, waxana uu yidhi,Hal milyan ma ahayne waad iska faanayseene afar boqol oo kun bay ahayd.”

Fadeexadda cusub ee soo foodsaartay hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa halis ku ah jiritaanka qaranka Somaliland iyo weliba nolosha umadda, waxana ay dibadda usoo saartay shirqoollada qarsoodiga ah ee uu bulshada kula dhex jiro.