“Md. Madaxweyne, Markii Aan Xilka La Wareegay Waxaa Gadhka Lay Geliyey Deyn $5 Milyan Ah Oo Aan ‘Reer Abeeso Isku Dhiib’ U Bixiyey [Naanays Odhanaysa], Lacagtaasna Maanta Ka Hor Weli Kamaan Hadlin Oo…”

0
1004

“Waxa  Laygaga Xariifsanaa Media-Ha Iyo Faanfaanka  Badan…, Reer Abeeso Isku Dhiib Baanu Ula Baxnay..…, Maalintii Lay Magacaabay Anigoo Baqaya Ayaan U Tagay Wasiir Samsam Oo Aan Ku  Idhi……”Cali Mareexaan

Wasiirka Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa markii ugu horaysay sheegay inuu wasiirkii hore madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan uu kala wareegey lacag dayn ah oo dhamayd 5 milyan oo doolar, kaas oo tilmaamay in daamurka lagu dhisay jidka Ceerigaabo iy Burco u dhaxeeya 70% uu dayn ahaa oo xukuumadda lagu lahaa markii uu xilka la wareegay 11 bilood ka hor.

Cali Mareexaan waxa uu sheegay in wax ka badan 100KM ay imika dhamaystireen, kaas oo xusay inay qorshaynayaan in bisha January ee sanadka danbe ay wadada gaadhsiin doonaan Ceel-afwayn.

Wasiirka hawlaha guud waxa uu tibaaxay in maalintii xilka loo magacaabay ay gacan-qabatay isla markaana sii wadida jidka Ceerigaabo ay gacanwayn ka gaysatay wasiirka maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu tibaaxay inay ku dhiiri-galisay inuu hawsha dardar-galiyo isla markaana wixii kharash ah ee loo baahnaa ay bixisay.

Waxaanu sidaasi ku sheegay tuulada Kal-Sheekh ee u dhaxaysa Ceel-afwayn iyo Ceerigaabo, halkaas oo uu kormeerayey ku marayey wafti uu hogaamiyo madaxwaynaha Somaliland. Ugu horayna isagoo ka warbixinaya halka uu marayo jidkaasi, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Madaxwayne halkan waxa aan soo maray 11 bilood ka hor bishii December ee halkan lay magacaabay, safarkii iigu horeeyeybay ahayd waxaanan soo maray iyadoo wadada jid cadaha ahi soo marayso ilaa 2KM oo halka imika daamurku yaalo-na waxay ahayd meel imika 14KM u jirta Ceerigaabo oo waxa la yidhaahdaa Ceel-dhadhaable oo halkaasaanu taagnayn maantana waxay maraysaa halkaa aynu marayno oo waataa wadadii Ceel-afwayn wax yar bay u jirtaa. Markii aan marayey meesha la yidhaahdo Yufle oo ah meesha  Ceerigaabo ugu xigta sidan oo kale ayey odayaashii deegaanku iigu soo shireen oo waxa ila hadlay sida warbaahintu sii daysay maayarka Yufle oo la yidhaah Mijir oo isagoo ila hadlayey markaa igu yidhi wadada Ceerigaabo ee halkan naga xigta ee aanu sanadkaba maqlaynay uun ama waad nasoo dhaafinayoo wado shaqaysa ayey noqoni ama sidii ragii idinka horeeyey u shaqaynayeen ayuun baa la odhan doonnaa Ceerigaabo ayey kasoo  socotaa, markaa anagu imika ku amaani maynee markaa sadex bilood ka dib baan meeshii maray iyadoo wadadii soo dhaaftay”.

Wasiir Cali Mareexaan mar uu ka hadlayey waxyaabo uu canaan kala kulmay, waxa uu yidhi “Rag badan baa igu canaantay oo igu yidhi waar waxan maxaad u sheegi wayday ana waxaan aaminsanahay in  wuxu marka uu dhisme yahay ee sida guriga oo kale la dhiso dee waa wax cad, waayo gurigii marka la yidhaa waa la dhameeyey waa la galayaa oo waa loo hoyanayaa oo cidina odhanmayso  lama dhisin laakiin waxa madaxwayne laygaga xariifsanaa media-ha iyo faanfaan  badan iyo faataah-dhag badan maan samaynin”.

Isagoo hadalkiisa sii  wata waxa uu intaas raaciyey  “Waxa waliba hawshaa noo dheeraa oo  todoba boqol iyo dheeraadka daamurka ah  ee boqol iyo dheeraadka kiiloo mitir maraya waxa noo dheeraa dayn oo ay tahay runtii in la sheego oo aan la qarinin, madaxwayne waxa  laygu wareejiyey oo gadhka lay galiyey 5 milyan lacag gaadhaysa oo aanan maanta ka hor ka hadlin oo reer abeeso isku dhiib baanu shantaa malyan ula baxnayoo wadadii iyadoo aan dhamaanin oo la doonayo in ilaa Ceerigaabo la isku xidho oo dayna laygu wareejiyey malaha inaan cararo ayey ahayde iyadoo waliba daamurka 70% ka mid ahi uu dayn yahay oo wali nalagu leeyahay”.

Wasiirka hawlaha guud mar uu ka hadlayey doorkii ay wasiiradda maaliyadu ku lahayd hirgalinta wadada Ceerigaabo iyo Burco u dhaxaysaa waxa uu yidhi “Waxaan madaxwayne aad iyo aad ugu mahad celinayaa  wasiirka maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan oo aanu faqnay maalintii lay magacaabay oo anigoo baqaya ayaan u tagay oo aan ku  idhi hawshaasaa jirtoo waxay igu tidhi amba maalintii wasaaradda maaliyadda lay magacaabay waan baqayeye ee waxba ha baqanine adkayso waynu ka bixi doonaaye oo iyaduna halkaasay xisaabta kasoo faraqaysay si hawlaha qaranka qabyada ka ah loo dhamaystiro anaga iyo shaqaaluhuna halkan baanu u joognay oo aanu diyaar ugu ahayn”.

Sidoo kale waxa waftiga madaxwayne Siilaanyo markii ay ku sugnaayeen Kal-Sheekh soo maray oo halkaasi kulan salaam ah ugu tagay wasiirkii hore ee madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo sida la sheegay shalay kasoo guryo noqday magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.