Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharax Madaxweyne ee

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,ayaa cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa ku bookhday dad kala duwan oo ku waxyeeloobay shilal kgaadiid oo kala gedisan,kuwaas oo shalay ka dhacay magaalada Hargeysa,waxaanu illaahay uga beryey inuu caafimaad sarreecana siisayo,isagoo sidoo kale eebe uga beryey intii ku dhimatay inuu janatul fardaws ka waraabiyo.”Waxaan Tacsi gaadhsiinayaa Xaaji Muuse oo shil gaadhi ku geeriyooday,waxaan illaahay uga baryayaa in uu janatul firdowsa ka waraabiyo”Ayuu yidhi Cirro.

Dnanka kalena Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharaxe Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr. C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa ka haddlay dil xalay loogu geystay gudaha magaalada Hargeysa nin dhakhtar ah,kaas oo farmasi uu ku lahaa magaalada Hargeysa dhexdiisa uu ku toogtay nin hubaysan oo madax soo duubtay”Waxaan Tacsi gaadhsiinayaa Axmed Aadan Sareeye oo ahaa nin dhakhtar ah oo farmasigiisa dhexdiisi lagu toogtay,illhaay ha-unaxariisto marxuumka”Ayuu yidhi Md C/raxmaan Cirro.

 

Ugu dambayntii musharax C/raxmaan Cirro ayaa sigaar ah tacsi ugu diray ,qoysaskii,qaraabadii, eheladii iyo asxaaabtii iyo guud ahaan-ba shacabka reer somaliland, isagoo ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Marxuumiinta Xaaji Muuse Iyo Axmed Aadan Sareeye oo isaga ay gacan ka xaqdarin ku dishay meherad farmasi ah oo uu lahaaa dhex-deeda,”Waxaan Tacsi gaadhsiinayaa Axmed Aadan Sareeye oo ahaa nin dhakhtar ah oo farmasigiisa dhexdiisi lagu toogtay,iyo xaaji Muuse oo ahaa nin ganacsade ah oo aad iyo aad loo yaqaanay,waxaan illaahay uga baryayaa in uu janatul firdowsa”Ayuu yidhi Musharax C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro.