Garabka Jamaal Oo Maanta Wada Hadal La Bilaabaya Xisbiga Waddani

0
1001
Garabka Jamaal Oo Maanta Wada Hadal La Bilaabaya Xisbiga Waddani
Garabka Jamaal Oo Maanta Wada Hadal La Bilaabaya Xisbiga Waddani

Wada hadalo siyaasadeed ayaa maanta u bilaabmaya xisbiga Waddani ee mucaaradka ah iyo garabka Jamaal Cali Xuseen ee ka tirsanaa xisbiga UCID.

Wada hadaladan ayaa qayb ka ah wada hadalo ay garabka Jamaal Cali Xuseen la bilaabeen labada xisbi ee KULMIYE iyo Waddani, waxaana shalay u dhamaaday laba maalmood oo ay garabka Jamaal Cali Xuseen wada hadalo kula jireen xisbiga KULMIYE.

Wada hadalada ayaa yimid ka dib markii uu Jamaal Cali Xuseen magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo dhinaciisa ah oo wada hadalo la furi doonta labadaas xisbi, waxaana la filayaa in Jamaal iyo kooxdiisu dhawaan ku biiraan mid ka mid ah labada xisbi.