Axmed Muumin Seed Oo Meesha Ka Saaray Inuu Ka Mid Noqonayo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xisbul-xaakimkiisa KULMIYE H

0
1049
Axmed Muumin Seed Oo Meesha Ka Saaray Inuu Ka Mid Noqonayo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xisbul-xaakimkiisa KULMIYE H
Axmed Muumin Seed Oo Meesha Ka Saaray Inuu Ka Mid Noqonayo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xisbul-xaakimkiisa KULMIYE H

Guddoomiyaha garabka toosinta iyo cadaalada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed ayaa meesha ka saaray inuu ka mid noqonayo xukuumada axmed siilaanyo iyo xisbiga talada haya.

Waxaanu gudoomiyuhu hadalkan sheegay mar uu maanta wareysi gaara siinayay Tvga Star, kuna siinayay gudaha magaalada Hargeysa. Gudoomiyaha garabka toosinta iyo cadaalada eex  xisbiga mucaarid mudane Axmed Muumin Seed isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waxaa aan ahay wehli guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga WADDANI,ahna guddomiyaha garabka toosinta Iyo cadaalad ee Xisbiga WADDANI ,waxaan ka biyo diiday  shirkii golaha dhexe ee ka dhacay huteel Ambasatoor ilaa iminka waxaan kamid ahay guddoomiye ku-xigeenkii 1aad ee sharciga ahaa  ee Xisbiga WADDANI ayaan ahay, maanu kala quusan xisbiga WADDANI  weli, guddoomiyihii sharciga ahaa ayaan ahay weli ,sharci baanu ku kala baxaynaa,weli kumaanu biirin waddo haddalna nooma furmin xukuumadda ama xisbiga KULMIYE , macaa UCID maanu wadda haddal, markaa ma qurux badna in la yidhaado wax ayaa loo magacaabayaa,waxaan is leeyahay uun wararka jaraa’idka  ama websatyada lagu qoray waxay ila tahay wax lagu iibinayo jaraa’idada ,lakiin ilaa iminka  garab dhan ayaan hoggaaminayaa anaigoo guddoomiye ku-xigeenkii 1aad ah oo guddoomiye ku-xigeenkii 2 aad ayaa ila socda  xoghayeyaashii oo dhan  ayaa ila socda”Ayuu yidhin Axmed Muumin Seed”

Axmed Mumin Seed ayaa gebogebadaii sheegay in ay xilalku imanayaa marka ay wadda haddal la furaan Xisbiga KULMIYE ama UCID isla markaana ay kala baxaan Xisbiga WADDANI” marka uu wadda haddal noo furmo ee aanu kala baxno WADDANI,ama cid aanu wadda haddal la furno ayey-de xilalku iman doonaan insha allahu,lakiin ilaa iminka meel kumaanu biirin,garabkii Cadaalad doonka WADDANI ayaanu nahay ,markaa taasi waa hordhaca ay saxaafadu sii buun-buuninayso ,runtii in aan waxaan jrin la qoro maaha, aad ayaanu uga xunahay iyadoo aanay saxaafadu wax aan jirin soo qortay”

Dhanka kalen Axmed muumin Seed ayaa sheegay in soo dhaweyntii Boorama loogu sameeyey aanay Xukuumadda KULMIYE ku lug-lahayn, balse ay ahayeen taageerayaashiis oo is abaabulay.