”Xildhibaan Ballaakoow Dadna Barasho Uma Hadhin Ee Wadnaha Damqashada Ka Daa!!!”

0
1243
”Xildhibaan Ballaakoow Dadna Barasho Uma Hadhin Ee Wadnaha Damqashada Ka Daa!!!”
”Xildhibaan Ballaakoow Dadna Barasho Uma Hadhin Ee Wadnaha Damqashada Ka Daa!!!”

“Ma Ku Baraa, Xidlhibaan Blacki Ma Kuu Billaabaa……Afkii Been Sheegi Jiray, Ma Hadduu Runta Baranayaa? – W/Q: Jaamac Xasan Yuusuf, Gabiley, Somaliland

Bulshada ku dhaqan gobolka Gabiley iyo deegaammada hoos yimaadda  ayaa  in dhawaaleba hungo madhan ka joogtay wakiilnimada Xil. Cabdillaahi Maxamed Cige oo Loo yaqaanno Cabdillaahi Blacki, kaasi oo kamid ah mudaneyaasha aqalka wakiillada ugu jira xisbiga KULMIYE ee ka soo jeeda deegaankaas.   Masuuliyiinta deegaanka Gabiley ka soo jeeda ee saaxadda siyaasadda ku dhex jira oo xildhibaankani kamid yahay ayaa run ahaan waxaa uu noqday mid meeqaamkiisa wakiilnimo ay si weyn u saluugaan shacbigii uu codkooda ku fadhiyay kursiga golaha wakiillada.

Milicsi Kooban oo ku saabsan fadeexadaha dul hogganaya xildhibaankan  iyo fadhiidnimada barriinsatay waajibaadkii ay u doorteen shacbigiisu

Md. Cabdillaahi Xuseen Cige (Blacki) oo  intii aanu kusoo biirin xildhbaannada golaha wakiillada ee aanu ku fadhiisan booskii uu banneeyey wasiirkii hore ee wasaaradda maalliyada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaalle oo hore u ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada oo markii madaxweynuhu xilka wasiirnimo u magacaabay ka baxay meesha, isla markaana uu Mr. Ballaaki galay halkiisii,  tan iyo milaygaasi  waxaa uu Xildhibaankani caan ku ahaa isla markaana si daallacan ugu sifaysnaa shakhsi lagaga xilkas san yahay masraxa siyaasadda, isla markaana mawqifkiisa siyaasadeed ku sallaysan yahay dirasho iyo in la adeegsado balse aanu ku socon mabda’iisa iyo qorshe haga oo uu ku dhaqmo.  Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige, waxaa sidoo kale quus iyo hungo madhan ka istaagay dadkii soo doortay ee uu codkooda matalayay isagoo danaha guud ee dadkiisa ka horreysiiya danta gaarka ah, taasina ay boog aan bogsanin ku noqotay milgihii iyo maamuuskii masuulnimo ee  kursiga sharafta leh ee uu ku fadhiyo.  Waxaa intaasi dheer in horumar ha joogee uu hadimooyin iyo kala qaybin u horseeday gobolkiisa, isaga oo  gaadhsiiyey heer uu beeshiisa u kala qaybiyo, jilib-jilib, jufo-jufo illaa laf-laf, naxli huursanna kala dhex dhigay.  Meyd maxaa u dembeeyey baa la yidhi iyo kaas la sii sido; Md. Cabdillaahi Xuseen Balaaki waxaa ugu dembeeyey gabbood fallada cunsuriyadu ku ladhan tahay ee uu gobolkiisa iyo deegaanka uu kasoo jeedo gaadhsiiyey in dhawaan markii uu wasiirka arrimaha guduhu xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyey mid kamid ah haydh-tuulleyaasha deegaannada hoos yimaada gobolka Gabiley uu wareegtadii wasiirka u fasiray qaab qabyaalladaysan. Sida ku cad wareegto ku taariikhaysan 16-kii bishan November ee sanadka 2016, oo uu   wasiirka arrimaha gudaha somaliland Md. Yaasiin Faratoon  guddoomiye  cusub iyo xoghaye fulineed ugu magacaabay degmada Geed-Ballaadh oo hoos timaada gobolka Gabiley isla markaana xilkii kaga qaaday masuuliyiintii hore ee deegaankaas oo ay ka soo cawdeen madaxda dhaqanka iyo hoggaanka bulshada ee deegaankaasi ayaa xildhibaan Cabdillaahi Balaaki waxaa uu si ka fog milgaha xasaannada uu huwan yahay ee xildhibaannimo waxaa uu wareegtadaasi ku furay tushuush lid wax wada lahaanshaha bulshada iyo nidaamka dawladeed ee dalka ka dhisan. Si kale haddii aan u dhigo guddoomiyaha hore ee xilka laga qaaday iyo guddoomiyaha cusub ee la magacaabay oo haybta guud ka sokow kasoo kala jeeda laba jilib oo  ood wadaag ah kana wada tirsan degmada Geed ballaadh ayaa Md. Balaaki Cariyey shucuurtooda isaga oo beesha uu masuulka hore ka tirsanaa dhegta u saaray in xuquuqdoodii meel lagaga dhacay isla markaana la duudsiyey mansab ay xaq u leeyihiin oo reer kale loo magacaabay, arrintaas oo inta caqligu aanu ku filnayn kicisay dareenkooda, Mahadise alle ha ka gaadhee waxaa dadkii dejiyey madax dhaqameedka beeshaasi oo  iyagu u  macneeyey in xilka dawladdu u  magacawdo hadba cidda ay u garato in ay gudan karto ee deegaanka iyo dadkaba nacfiga u leh. Horaa loo yidhi Madax muuqda iyo mindi saawir ah [af-daran] midna lagama quusto, Md. Balaaki oo intaas ay dadkiisu iyo reer Somalilandba isha ku hayeen hab dhaqannadiisa iyo siyaasad xumada uu kula soo noqday dadkii waxtarka ka sugayay oo iyagu quud darrayanayay in uu mar uun kasoo reeyo oo uu wax ka badali doono sidan ayaa Nasiib darro waxaa uu fadhi xumadiisii ku darsaday ficil xumo oo wuu kasii darayba, waxaanu  fadeexadaha siyaadeed iyo fashillaadaha mus duleedka u yaalla kula galgashay raga qayrkiisa ah ee ay isku deegaanka kasoo jeedaan ee dawladda ka tirsan. Waxaa uu dabada kasoo riixay masuulkii xilka laga qaaday oo xilli ay xeedhiyo fandhaal kala dhaceen oo wareegtadii wasiirka daakhiligu soo saaray  alla ka yeedhsiiyey hadal laga eedaamay isaga oo ku tiraabay waan is casilay, eedo aan meesha qaban oo aan aaminsannahay in uu Cabdillaahi Ballaaki u soo laqimayna la dul koray wasiirka wershadaha Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse oo ah masuul ay kartidiisa iyo firfircoonida uu qaranka kaga suntanaaday iyo weliba kalsoonida uu dadka deegaankiisa ka kasbaday dibada soo dhigeen guul darrooyinka siyaasadeed ee Xildhibaankan.  si kasta oo ay tahay hadimooyinka xildhibaan cabdilaahi black ayaa waxaa in muddo ah ka naystay shacabka gobolka gabiley balse waxaa hadda muuqata haddaaan ummada laga qaban in uu dib u beerayo naxli aan meesha oollin, waxaanan isaga iyo inta uu ka talo qaataba u sheegayaa in aanay dadka barasho ugu hadhin oo wuxuu gudo iyo wuxuu galaba laga wada dheregsan yahay,  mustaqbalka dhawna si dhib yar looga arrinsan doono hungada uu ummada ku beeray. Immikana hadal waa gun baa la yidhi oo intaas u dhaafi maayo Xildhibaankii aan Dahabka mooday ee maarta nagu noqday, waxaanan kusoo xidhayaa maqaalkaygan tuducyo kamid ah gabaygii AHUN Abwaan Cabdi Iidaan Faarax (Hanqadh) kaga qayb galay silsiladii deellay ee ahayd Daad-wararac, waxaan leeyahay

Dibna leef shariir hoo

 Dufan jecel dheryaha kari

 Diktoor beena sheegtiyo

 Afarrey ku daahiyo

 Mid Ammaana doontiyo

 Dir-cunnooy ha kala tegin

 Adiguna Dameeroow

 Dawankaaga qaadoo

 Higso faraska Doolaal

 Dani seeto weeyee

 Daba soco ma gaadhide

 

Allaa Mahad Leh

Qalinkii:  Jaamac Xasan Yuusuf,

Gabiley, Somaliland