“Madaxweynaha I Cugtay Iyo Baarlamaanka Ii Codeeyeyba Waxa Ay Iga Fisheen Waan Ku Soo Celin Doonnaa”

0
961
“Madaxweynaha I Cugtay Iyo Baarlamaanka Ii Codeeyeyba Waxa Ay Iga Fisheen Waan Ku Soo Celin Doonnaa”
“Madaxweynaha I Cugtay Iyo Baarlamaanka Ii Codeeyeyba Waxa Ay Iga Fisheen Waan Ku Soo Celin Doonnaa”

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Ka Hadlay Dareenkiisa La Xidhiidha Codayntii Shalay Uu Golaha Wakiilladu Ku Ansixiyey, Ballanna Ku Qaaday In Uu Caddaallada Ku Dhiqi Doono Shaqadoonka Qaranka..

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, mudane Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa golaha Wakiillada Somaliland uga mahadceliyay cod aqlabiyad ah oo ay ku ansixiyeen. Guddoomiyaha ayaa helay kalsoonida 51 mudane, halka aanay jirin cid diiday iyo cid ka aamustay, waxaanu ballanqaaday in kalsoonida la siiyay uu ka midho dhalin doono.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ayaa  sanadkii 2011 ilaa 2015 ahaa xoghayaha wasaaradda Madaxtooyada, halka December 2015 ilaa 2016  uu ahaa diyaariyaha ajandeyaasha shirarka golaha wasiirrada iyo diyaarinta ballamaha heerka sare ee wasiirada, waxaanu intaasi kadib madaxweynaha Somaliland u magacaabay guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha.

Guddoomiyaha oo markii la ansixiyay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay rajo weyn galinayso helista kalsoonida wakiillada bulshada Somaliland “Waxaan helay kalsoonida saddexda Milyan iyo badhka Somaliland metelayaashooda golaha Wakiillada. Dhammaantood aad baan ugu mahadcelinayaa inay igu aamineen Qarankan inaan u adeeggo. Inshaa Allah waxaan ugu adeeggi waxaas ay I bideen oo ah in caddaalad lagu helo kaalinta iyo hannaanka shaqo,” ayuu yidhi mudane Geelle.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Madaxweynaha I cugtay iyo Baarlamaanka ii codeeyay ba way mahadsan yihiin. Inshaa Allah waxay iga fisheen iyo ka badanna waan ku soo celin doonaa. Rajada ay iigu codeeyeen waan ka rumayn doonaa, waxaas ay igu tuhmeen iyo shaqada ay I yidhaahdeen ‘ halkaas ka sii wad ayaan ka run-sheegi doonaa’ waanay mahadsan yihiin,” ayuu yidhi mudane Geelle

Geesta kale, waxa uu farriin u diray bulshada Somaliland, waxaanu sheegay inaanay caddaalad darro arki doonin muddada uu xilka hayo “Shacabka Somaliland ee sharafta leh, farriinta aan u dirayaa waxa weeye; in Inshaa Allah muddada aan xilka hayo caddaalad darro iyo ciil dambe laga kori doono. Muddada aan xilka hayo oo koob-naan doonta, inay noqon doontana Alle og yahay, marka horena adduunyada geeddi ku ahay, xilkana galab carrowba ku ahay oo goorta aan ka tagayaaba aanay ka caddayn, waxaan kaga tagi doonaa muddo lagu xasuusto caddaalad iyo ciil la’aan, iyo in si siman oo kalfuran imtixaannada iyo wax walba u fulaan,” ayuu yidhi mudane Sharmaarke Geelle.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa hadheeyay nidaamka loo qaato shaqaalaha tabashooyin ku saabsan in shaqada dawladda lagu helo hab-baal marsan sharciga, islamarkaana la isku siiyo nidaam beelaysan iyo nin jeclaysi laakiin, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Mudane Sharmaarke Geelle, ayaa ballanqaaday in arrimahaasi meesha ka bixi doonaan, islamarkaana aan la arki doonin dhalinyaro ciil ay ka qaadeen caddaalad darro shaqo la tahriibaysa.