Wafti Ballaadhan Oo Hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Gobollada Bariga Dalka u Bixi Doona

0
889
Wafti Ballaadhan Oo Hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Gobollada Bariga Dalka u Bixi Doona
Wafti Ballaadhan Oo Hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Gobollada Bariga Dalka u Bixi Doona

Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inay maanta oo sabti u ambo baxaan gobollada bariga Somaliland oo ay abaar ba’ani taabatay.

Inkasta oo aanu jirin war ku saabsan safarka madaxweynaha oo kasoo baxay xafiiska madaxweynuhu, haddana wararka aanu hayno, ayaa sheegaya in waftiga madaxwynuhu horkacayaa uu ka koobnaan doono wasiirro, xildhibaanno, xubno kamid ah guddida abaaraha iyo weliba guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxana wararku intaas ku darayaan inay madaxweynaha safarkiisa ku wehelin doonaan saraakiil katirsan hay’adaha samofalka ah ee waddanka ku sugan.

Safarka madaxweynaha, ayaa wararku sheegayaan inuu ku jihaysnaan doono gobollo dhawr ah, sida Togdheer, Sool iyo weliba Sanaag, waxana uu qaadan doonaa muddo toddoba cisho ah, iyada oo deeqo kala duwan oo raashin iyo biyo iskugu jira la gaadhsiin doono deegaanada uu madaxweynuhu mari doono.

Waftigan, ayaa waxa ay xog ogaal u noqon doonaan baaxadda abaarta daran ee gobollada bariga waddanka ka jirta, waxana dhexda kaga biiri doonta wasiirka maaliyadda Md. Samsam Cabdi Aadan oo iyadu muddooyinkii dambe ku sugnayd gobolka Togdheer, gaar ahaan deegaanka Coodanle oo ay kusoo hayaameen dadweyne tiro badan oo gobollo kale kasoo guuray.

Inkasta oo aanaan haynin shax-socdaaleedka safarka madaxweynaha iyo meelaha u qorshaysan inuu booqdo, haddana wararka aanu hayno ayaa sheegaya inuu dhinaca Koonfureed uga bixi doono caasimadda Hargeysa, isaga oo deegaanno badan oo bogolka Daad-madheedh ah oo caasimadda Oodweyne kamid tahay gelinka hore ee maanta gaadhi doona, isla-markaana caawa ku hoyan doona magaalada Burco ee caasimadda Gobolka Togdheer.

Intaa kadib waxa uu madaxweynuhu socdaal ballaadhan ku mari doonaa deegaanada  Hawdka gobolka Togdheer iyo weliba Buuhoodle, waxana uu booqan doonaa deegaanka Coodanle oo riig biyood gebogebo ku dhaw ay xukuumaddu ka waddo.

Deegaannada Gobolka Saraar oo ay magaalada Caynaba kamid tahay ayuu intaas kadib madaxweynuhu u jihaysan doonaa, waxana uu gaadhi doono goobo ku yaalla gobolka Sool oo abaartu taabatay, isaga oo marka dambena usii dhaafi doona dhinaca deegaanada gobolka Sanaag oo xaalad nololeed oo aad u liidata laga soo sheegayo..