WADDANI Oo Sas Ka Qaaday Mawjadihii Soo Dhaweynta ahaa Ee Garabka Toosinta Loogu Muujiyey Borama Iyo Kulamo Qarsoodi ah Oo Kaadirka Xisbigu Maanta U Ballansan Yahay

0
732
WADDANI Oo Sas Ka Qaaday Mawjadihii Soo Dhaweynta ahaa Ee Garabka Toosinta Loogu Muujiyey Borama Iyo Kulamo Qarsoodi ah Oo Kaadirka Xisbigu Maanta U Ballansan Yahay
WADDANI Oo Sas Ka Qaaday Mawjadihii Soo Dhaweynta ahaa Ee Garabka Toosinta Loogu Muujiyey Borama Iyo Kulamo Qarsoodi ah Oo Kaadirka Xisbigu Maanta U Ballansan Yahay

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa fir-ka-nax iyo fajac fadhiga u diiday ka qaaday mawjadihii dadweynaha ahaa ee magaalada Borama kusoo dhaweeyey garabka toosinta iyo caddaaladda ee uu hoggaamiyO Axmed Muumin Seed, waxana ay  maanta u ballansan yihiin shir qarsoodi ah oo hoggaanka xisbigaasi wax isagag weydiinayo farriintii reer Boorama soo direen.

Sida ay sheegayaan xogaha arrintan la xidhiidha ee uu helayo wargeyska Hubaal, waxa xalay iyo shalay xisbiga dhexdiisa ka socday sawaxan iyo qaylo ku saabsan soo dhaweyntii Borama iyo weliba hadalladii gegida Xaaji Daahir ay ka jeediyeen madaxda garagka caddaaladda iyo Toosintu, waxana, iyada oo weliba kaadirka xisbigu si gaar ah u guntaday hadalkii Suldaan Dhawal halkaas ka jeediyey ee uu ku sheegay in taageerayaasha garabkaasi dhawaan meel ay ku midaysan yihiin ka hillaaci doonaan.

Wada-hadallo iyo xidhiidh badan oo xagga telefoonada ah ayey mashquul ku yihiin hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI, waxana ay canaan badan u jeediyeen xubnaha ugu magacaaban gobolka Awdal oo loo arkay inay ku guuldarraysteen kala-dhantaalidda cuddudii uu Axmed Muumin isku muujiyey iyo weliba farriintii la wada ogaa ee halkaas looga diray xisbiga WADDANI.

Marka laga yimaado buuqa iyo naxdin-gariirka ay hoggaanka WADDANI ka qaadeen hannaankii garabka Axmed Muumin Seed Borama loogu soo dhaweeyey, waxa maanta la filayaa inay kulamo qarsoodi ah xaruntooda guud ee Hargeysa ku yeeshaan, kuwaas oo diirrada lagu saari doono sidii dib loogu noqon lahaa taageerada dhinaca kale u wareegtay ee uu xisbigu hore ugu lahaan jirey magaalada Borama.

Warar kale oo aanu isla xisbigaas ka helayno, ayaa sheegaya xubnihii xisbiga ugu magacownaa Borama laftooda Hargeysa looga yeeshay, kuwaas oo su’aalo badan laga weydiin doono sida ay suurtogal ku noqotay in garabka xisbigooda ka baxay ay shacabkii Boorama dharaar cad dareersadaan.

Jaah-wareerka ku yimi hoggaanka saree e xisbiga WADDANI, ayaa ka dambeeyey soo dhaweynno indhaha bulshada reer Somaliland soo jiitay oo ay reer Borama ku qaabileen garabka uu hoggaamiyo Axmed Muumin Seed, kuwaas oo werwer horleh ku furay hoggaanka WADDANI iyo taageerayaashoodab.