Madaxweynaha Somaliland oo Safar Abaaraha la Xidhiidha ugu Baxaya Gobollada bari

0
1004
Madaxweynaha Somaliland oo Safar Abaaraha la Xidhiidha ugu Baxaya Gobollada bari
Madaxweynaha Somaliland oo Safar Abaaraha la Xidhiidha ugu Baxaya Gobollada bari

Guddoomiyeyaasha Sanaag & Togdheer oo ka hadlay Xaaladda abaarta ee ka taagan Gobolladooda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti xukuumadda iyo xisbul-xaakimka ka kooban oo uu hoggaaminayo, ayaa lagu wadaa inay Sabtida maanta u ambo-baxaan gobollada bari ee dalka, si uu indhihiisa ugu soo arko xaaladda qalafsan ee ka dhashay abaarta kulul ee ku dhufatay deegaanno badan oo dalka ku yaalla.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay safarkiisa gobollada bari ay ku wehelin doonaan xubno ka tirsan Golihiisa wasiirrada iyo Guddoomiyaha ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbul xaakimka KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland oo markii labaad baaq qeylo-dhaan abaareed ah Khamiistii soo saaray, ayaa sheegay in gurmad degdeg ah lala soo gaadho dadka abaartu tabaaleysay oo lagu qadaray hal malyan iyo badh qof oo ku kala dhaqan gobollada Bariga sida Togdheer, Sool, Sanaag iyo meelo ka mid ah Saaxil.Waxaanu intaas raaciyay inay gurmad bini’aadamnimo oo deg deg ah u baahan yihiin 248, 000 (laba boqol, siddeed iyo afartan kun) oo qof oo ku jira duruuf halis ah.

Sidoo kalena, Maamullada gobollada Sanaag iyo Togdheer ayaa ka hadlay xaaladda abaareed ee gobolladaasi, ilaa hada caawimadda dadka la gaadhsiiyay iyo meelaha ugu daran eek a tirsan goboladaasi iyo arrimo kale.

Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo iyo badhasaabka Sanaag Axmed Cabdi Faley, oo aanu xalay telefoonka kula xidhiidhnay ayaa faahfaahin ka bixiyay dhibaatooyinka ka jira gobolladaasi ee ka dhashay abaarta. Ugu horayn badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda nololeedka abaaraysan ee gobolka, “Dhulku wuu sii kala liitaa, waxaa ugu daran dhulka Saraar la yidhaahdo shalay aniga iyo wasiirka maaliyada waxaanu tagay gobolka Saraar xagga koonfurta meel la yidhaahdo fardo lagu doox ayaanu raashin ku soo qaybinay, dadkuna aad ayay u tabaalaysan yihiinmeesha ugu darana waa Coodanle dad badan ayaa isugu yimid ilaa 1400 raashin ah ayaanu gaynay, ilaa 100 booyadood oo biyo ahna waanu siinay, raashinka noocyadiisa kala duwan ah ayaanu shalay gaynay,”ayuu yidhi Badhasaabka Togdheer, waxaanu intaas ku daray, “Waxa ugu darani biyo la’aan ayaa ka jirta, gobolka Saraar riigag badan maleh,markaa imika qorshihii waxaanu u bedelnay sidii riigag looga qodi lahaa meelahaasi gobolka Togdheer dhowr rig biyood ayaanu kicinay oo hore u cadilnaa, waxaana ka mid ah ceel-xume, maanta ayaananku guulaysanay inuu kaco.

Waxaanu isna kicinay riigii Qabri huluul oo ka hooseeya Qorilugud, waxaanu isnakicinay kii ceegaag oo wax ka xumayeen. Waxa kale oo biyo laga gaadhay rig maalindhawayd la taagay oo Coodanle ku yaala, waxaa isna imika meel fiican maraya riiga Balidhiig,iyo ceelka Bali Ciise.”

“Dadku caloosha ayay ka wada cabanayeen, waxaana ugu wacan biyaha ay cabayaan oo aan wanaagsanayn, koox dhakhaatiir ah oo nala socotay ayaanaeegayay oo daawo siinayay” ayuu yidhi guddoomiyaha Togdheer. “Beri (maanta), sahan dambe, waxaanu soo marayanaa jiida Oodweyne inaanu soo marno, waxa kale oo noo qorshaysan Sararta hoose in aanu biyo ka qaybino sida Gebagebo, Jablax, xataa ilaa bariga in aanu tagno Sool,”ayuu yidhi Mr. Qabo.

Geesta kalena, badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Faley, oo isna arrinta abaarta aanu wax ka waydiinay waxa uu sheegay in abaarta ugu khatarsan ay ka jirto gobolka Sanaag, isla markaana ay haatan xaaladda nololeed ee dadku ay marayso meel halis ah. Isagoo xusay in shirkaddo iyo hay’addo dhawr ah ay ka soo gaadhay caawimo kala duwan.

“Meesha ugu khatarsan ama ugu daran abaarta waxay ka jirtaa gobolka Sanaag, meel adag adag ayaanay xaaladu maraysaa, afarta jiho ee gobolka meeliba meesha kale way ka daran tahay. Badi xoolihii way dhamaadeen, dadkiina meelaha magaalooyinka ah ayay badankoodu u soo hayaameen. Caawimo ayaa naga soo gaadhay gudiga abaaraha qaranka, hay’adaha gobolka jooga hay’adda la yidhaahdo Al-xayaat waxay bixisay 50 booyadood oo biyo ah, hay’adda iyo Care International iyad-na 500 ku dhawaad, Candle Light iyad-na 200 ku dhawaad, 55 booyadood oo naga soo gaadhay xisbiga KULMIYE.

Raashinka oo kale waxaa na soo gaadhay shirkadda Oomaar oo 2000 qoys raashinkood aanu u qaybinay, anagoo ku darnay raashino kale oo meello kale naga soo gaadhay,”ayuu yidhi Badhasaabka Sanaag.

Badhasaabka Sanaag, waxa uu tilmaamay in marka la is bar-bar dhigo heerka dhibaatadda gobolka ka jirta iyo ilaa hadda wixii caawimooyin ah ee ay heleen in ay aad u kala fog yihiin, isla markaana kaalmadda la soo gaadhsiiyay ay mid ka badan loo baahan yahay. Dhinaca kale wuxuu sheegay in aanay waxba ka soo kordhin shuban-biyood la sheegay in uu horaantii bishan ka dilaacay degaamo ka tirsan gobolka Sanaag, hase yeeshee dhibaatadda ugu weyn ee hadda gobolkaasi ka jirtaa ay tahay nafaqo dari haleeshay caruurta iyo dadka waayeelka ah.