Cali Khaliif Oo Buuhoodle Ku Laabtay, Kana Gaabsaday ku Yimi Wada-hadalladii Xukuumadda Somaliland Iyo Maamulkiisu U Ballansanaayeen

0
884
Cali Khaliif Oo Buuhoodle Ku Laabtay, Kana Gaabsaday ku Yimi Wada-hadalladii Xukuumadda Somaliland Iyo Maamulkiisu U Ballansanaayeen
Cali Khaliif Oo Buuhoodle Ku Laabtay, Kana Gaabsaday ku Yimi Wada-hadalladii Xukuumadda Somaliland Iyo Maamulkiisu U Ballansanaayeen

Qabyo waa halkeedii, laakiin hawlihii Khaatumo oo wada-hadallada Somaliland kow ka tahay, ayaanu ugu maqnayn, magaalada Addisa Ababa ayaanu muddo joognay oo aanu madaxda Somaliland isku aragnay…..”Cali Khaliif.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Md. Cali Khaliif Galaydh oo safar dibadda ah kasoo laabtay, ayaa ka cudurdaartay inuu daaha ka faydo asbaaba keentay inay dib ud hacaan wada-hadalladii ay xukuumadda Somaliland iyo maamulkiisu ku ballansanaayeen inay uga furmaan magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Cali Khaliif, ayaa markii uu soo cago dhigtay magaalada Buuhoodle, hadal kooban oo uu jeediyey carrabka ku adkeeyey inuu qabyo tirka arrimaha maamulkiisa ku maqnaa, waxana uu tilmaamay inay wada-hadallaasi kamid ahaayeen hawlaha uu maamulkiisa uga maqnaa.

Mudane Khaliif oo aan marnaba xusin sababta dib udhaca ku keentay wada-hadalladaas oo loo ballansanaa inay toddobaadkii ina dhaafay ka furmaan magaalada Addis Ababa, ayaa carrabaabay inuu kulan la qaatay madaxda Somaliland, “Qabyo waa halkeedii, laakiin hawlihii Khaatumo oo wada-hadallada Somaliland kow ka tahay, ayaanu ugu maqnayn, magaalada Addisa Ababa ayaanu muddo joognay oo aanu madaxda Somaliland isku aragnay” ayuu yidhi Cali Khaliif.

Inkasta oo la dhaafay muddadii loo ballansanaa wada-hadalladaas oo ahayd 17-kii bishan November ee sanadka 2016-ka oo dorraad ahayd, haddana labada dhinac midkoodna si rasmi ah uga hadlin sababta dibu-dhacaas keentay, balse wararka aanu helayno ayaa sheegaya in xaaladda abaarta ka jirta Somaliland oo keentay inuu madaxweynuhu safar ugu baxo gobollada bariga ay kow ka sal u tahay dib-u-dhacaas.

Wada-hadallada xukuumadda Somaliland iyo maamulka Khaatumo u dhexeeya, ayaa muddo dheer soo jiitamayey, welina may dhicin in masuuliyiin labada dhinac ka socdaa arrintan isku hor fadhiisteen, marka laga yimaaddo kulan dhawaan Cali Khaliif iyo madaxweyne Siilaanyo ku dhexmaray Addisa Ababa, kaas oo dhinacyadu iskula garteen inay isla Addis Ababa ku wada hadlaan.