Urur Ay Ku Bahoobeen Ganacsatada Bakhaarleyda Somaliland Oo Lagaga Dhawaaqay Hargeysa

0
907

Urur ay ku bahoobeen ganacsatada bakhaarleyda dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.

Xaflad balaadhan oo lagu daahfuray ururka cusub ee ganacsatada kala duwan ee bakhaarlayda oo loogu magac daray DARUURI oo lagu qabtay hudheelka Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga, Maayarka Caasimadda, saraakiil ka kala socday shirkadaha Dahabshiil, Zamzam Food Industry, Ururka Warshadleyda Somaliland iyo boqollaal ka mid ah ganacsatada dhexe iyo kuwa sare.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga Mr. Cabdirashiid Guuleed Axmed oo munaasibaddan ka hadlay, ayaa sheegay inay wasaarad ahaan si weyn u soo dhaweynayaan ururka ay ku bahoobeen ganacsatada bakhaarleyda dalka, isagoo ballanqaaday in wasaaraddiisu dardar-gelin doonto dhammaystirka xeerka kala xadaynta ganacsiga.

Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland Ibraahin Ismaaciil Cilmi ayaa isaguna caddeeyey inay si buuxda ula shaqayn doonaan ururka Daruuri oo noqonaya kii ugu horreeyey ee mideeya ganacsatada bakhaarleyda dalka.

Maayarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhoweeyey aasaaska ururka ay samaysteen ganacsatada leh bakhaarrada lagu iibiyo badeecadaha kala duwan, waxaannu sheegay inuu si weyn ula shaqayn doono.

Guddoomiye-ku-xigeenka Ururka Daruuri Md. Barkhad Xaaji Cismaan oo ku hadlayey afka Guddoomiya ururkooda, ayaa ugu horreyn u mahad-celiyey Guddoomiyaha Shirkadda Zamzam Food Industry, isagoo si qoto dheer uga warramay ujeeddooyinka iyo hadafka loo abuuray ururkooda cusub.

“Ururka Daruuri waxa ku bahoobay aasaaskiisa hadda marayaa 5000 oo bakhaarlayda ah, baahida keentayna runtii waxa ka mid ah in bakhaarlaydu hesho xuquuqdeeda ganacsi, iyaguna aanay xadgudbin bulshada. Markaa maanta ayaa Ilaahay in tusay awooddeennii, waxaanan ugu baaqayaa bulshada reer Somaliland in la shaqeeyaan ururka bakhaarleyaasha ee Daruuri,” ayuu yidhi Mr. Barkhad.

Waxa uu intaa sii raaciyey, “Ururka waxa loo aasaasay inuu ka shaqeeyo danaha bakhaarlayda Somaliland. Waxaan u sheegayaa bulshada reer Somaliland ururkani maaha mid siyaasadeed ee waa mid bulsho oo ka shaqayn doona danaha ganacsatada dhexe ee bakhaarlayda.”

Guddoomiyaha Shirkadda Sharaabka ee Zamzam Food Industry Mr. Axmed Maxamed Cilmi oo door weyn ka ciyaaray hirgalinta iyo taabnogalinta ururka Daruuri, ayaa sharraxaad ka bixiyey muhiimadda ururkani u leeyahay dhammaan ganacsatada bakhaarleyd dalka, kaas oo uu xusay inuu ilaalin doono xuquuqdooda iyo ta bulshadaba.

Waxa kale oo xafladda ka hadlay qaar ka mid ah ganacsatada bakhaarleyda, kuwaasoo ugu baaqay Wasaaradda Ganacsiga Somaliland inay dhaqan-geliso Xeerka Kala-xadaynta Ganacsiga oo ay tibaaxeen inay baahi weyn u qabaan.